Saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho oo lagu wareejiyey ciidamo Boolis ah oo ka socda AMISOM, watana diyaarado dagaal
Ciidamo boolis ah oo ka socda AMISOM gaar ahaan dalalka Yugandha iyo Nigeria ayaa ka howlbilaabay qaar ka mid ah saldhigyada magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ammaanka saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir ay la wareegeen ciidamada AMISOM, kuwa dowladda KMG-kana loo sheegay inay la shaqeeyaan oo keliya.
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Cali Xaamud Aadan oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in ciidamo Boolis ah oo ka tirsan AMISOM inay howlo shaqo ay ka bilaabeen Saldhigyo ku yaala magaalada Muqdisho, isla markaasna lagu wareejiyey ammaanka saldhigyada booliska degmooyinka gobolka Banaadir.
Afhayeenku waxaa kale oo uu sheegay in ciidamadaasi ay ka socdaan dalalka Yugandha iyo Nigeria, wuxuuna ka gaabsaday inuu si dhab ah u sheego tirada saldhigyada ay hadda howlgalaan, balse waxa uu sheegay in tirada ciidamadaasi ay gaarayaan illaa dhowr boqol, inakstoo uu diiday inuu sheego tirada rasmiga ah ee ku suganmagaalada Muqdisho iyo saldhigyada ay sida tooska ah uga howlbilaabeen degmooyinka ay ku yaalaan.
Dhinaca kale afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Xaamud Aadan waxa uu sheegay inay jiraan saraakiil boolis ah oo dhanka cirka ah, kuwaas oo uu sheegay inay ka socdaan dalka Yugandha, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “ciidamo boolis ah oo ka socda dalka Yugandha oo ah kuwa cirka watana diyaaradaha dagaalka ee sida qumaatiga u kaca ee Helicopter-ka ayaa sidoo kale jooga magaalada Muqdisho oo ka howlgeli doona saldhigyada magaalada Muqdisho”.
Afhayeenka ciidamada AMISOM waxa uu sheegay in ciidamada AMISOM ay sugi doonaan ammaanka guud ahaan ee Muqdisho inta ay socoto doorashada Madaxtinimada dalka, isagoo cadeeyay in marwalba shaqadoodu ay tahay sugidda ammaanka, iyadoo arrinkan ay noqoneyso markii ugu horeysay oo ciidamo Booliis ah oo ka tirsan AMISOM ay ka howlgalaan Saldhigyada Booliiska magaalada Muqdisho.
