|

Waqti kama dambeys ah oo loo qabtay in lagu soo gudbiyo xulista Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ka dib markii…

Gudiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka in kama dambeys 9-ka bishan oo ku began maanta ay ku soo gudbiyaan liiska magacyada Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo sheegay in howsha u taala iyo waqtiga u dhiman aysan isku dhigmin sida ay yiraahdeen.

La Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee soo xulista Baarlamaanka cusub Prof. C/llaahi Xiirey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ka dalbanayaan inay u soo gudbiyaan kama dambeys gelinka dambe ee maanta oo Khamiis ah liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka soo socda ee bedelaya kan haatan jira.

“Waxaan ka codsaneynaa Odayaasha Soomaaliyeed inay soo gudbiyaan magacyada Xildhibaanada cusub ee ka midka noqonaya Baarlamaanka soo socda, hadda waxaan heynaa liiska 70%, waxaa noogu dhiman inaan kala xulno, laakiin waxaa rabnaa in inta hartay ay inoo soo gudbiyaan aan sameyno kala xulitaan” ayuu yiri Prof. C/llaahi Xiirey.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mr. Xiireey in 12-maalmood ay u harsantahay, isla markaasna aysan ku dhameystiri karin howsha u taala dhaarinta Xildhibaanada iyo xulitaanta Xildhibaanada cusub, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey sida tan “Waxaa noo hartayt 12-maalmood oo keliya inaan ku dhaarino Baarlamaanka iyo xulitaanki ku sameyno, taasi nooma suura geli karto, waqtigii waa dhamaaday waxaan rabnaa in naloo soo gudbiyo liiska xildhibaanada dhiman, haddii aan helno 84% waa kooramka waxaa jecelnahay inaan dhaarino oo fariisino, haddii aan helno tiro intaasdi ka yarna waxqtiga dib ayuu u sii dhacayaa”.

Sidoo kale Mr. Xiireey waxa uu sheegay inay ka go’an tahay in haddii kama dambeys ay helaan 84% ay Baarlamaanka fariisin doonaan, isla markaasna ay dhaarin doonaan, inta laga soo gudbinayo inta kale ee hartay sida uu yiri, wuxuuna hadalka la Guddoomiyaha uu ku soo aadayaa iyadoo muran iyo khilaaf xoogan uu ka dhexjiro xulista Xildhibaanada cusub, ka dib markii beelaha Soomaaliyeed qaarkood ay isku qabsadeen qaabka wax loo xulay, iyadoo guuxa jiraana uu yahay in beelaha qaar ay isku heystaan Xildhibaanada u matalaya Baarlamaanka, kala gadasho dhanka kuraasta ahna ay dhacday.

Leave a Reply