|

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya diyaarado duqeyn khasaare dhalisay ka geystay gobolada Jubbooyinka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ayaa waxay sheegayaan in diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay ay duqeeyeen deegaan lagu magacaabo Birta dheer oo qiyaastii magaalada Kismaayo u jirta 60-km, waxaana la sheegay in duqeyntaasi ay geysatay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray dad rayid ah.

Sida warku sheegayo duqeymaha ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday Saldhig ay halkaas ku lahaayeen xoogaga Xarakada Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowladda KMG, waxaana la sheegay in duqeyntaasi ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka soo gaaray dhinaca Xarakada Al-shabaab, inkastoo ay iyagu sheegeen inuusan wax khasaare ah ka soo gaarin weerarkaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in duqeynta ay ka dhalatay khasaare dhaawac ah oo soo gaaray dadka rayid ah ee ku noolaa tuulada la duqeeyay, waxayna intaasi ku dareen inaysan jirin saldhig ay ciidamada Al-shabaab halkaasi ku lahaayeen, waxayna yiraahdeen “Kenya marka ay duqeyn la dhacdo dad maras ah oo masaakiin ah ayey waxay tiraahdaa Al-shabaab ayaan duqeeyay oo aan laayey, dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa cadow u ah ee dagaal qolo gooni ah kuma jirto”.

Si kasta oo ay ahaataba ma aha markii ugu horeysay oo goob ka mid ah deegaanka J/hoose ay diyaaradaha dagaalka Kenya iyo kuwo aan la aqoon ay gantaalo ku garaacaan, waxayna duqaymahan ay badanaa dhibaatooyin ka soo gaartaa dadka shacabka ah xoolo dhaqata ah ee ku nool gobolka Jubbada hoose iyo deegaanada kale ee duqeynta laga geysto, waxaana xusid mudan in deegaano dhowr ah sidan oo kale hadda ka hor la duqeeyay dhibaatana ay ka soo gaartay dad shacab ah oo caruur iyo haween u badnaa, waxaana ka mid ah deegaanadaasi Buulo Xaaji, Cabdalla biroole, Hoosingow, Jilib iyo deegaano kale oo badan.

Leave a Reply