|

Madaxweynaha dowladda KMG degmooyin cusub u aqoonsaday deegaano ku yaala gobolka Sh/dhexe

Wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa  loogu aqoonsaday tuulooyin horay uga tirsanaa gobolka Sh/dhexe degmooyin ku yaala gobolka Sh/dhexe.

“Madaxweynaha markuu arkay qodobka 39-aad, farqada 1-aad xarafka {A} iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG, markuu arkay  xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980, markuu arkay warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan  soo jeedin magacaabid degmo, wuxuu Madaxweynaha degmooyin cusub u aqoonsaday Ceel Axmed oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, waxayna si buuxda uga mid noqotay degmooyinka Soomaaliya” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya

Sidoo kale wareegtada ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG ayaa waxay u qorneyd sidan “Markuu arkay qodobka 39-aad, farqadda 1-aad xarafka {A} iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee adiga FKMG, markuu arkay xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980-kii, markuu arkay warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG & AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan  soo jeedin magacaabid degmo, wuxuu Madaxweynuhu degmo cusub u aqoonsaday sidoo kale Al-Kowsar, waxayna si buuxda uga mid noqotay degmooyinka Soomaaliya”, wuxuuna xeerkan dhaqangalayaa marka uu saxiixo Madaxaweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Ma aha markii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Sheekh Shariif tuulooyin ku yaala gobolada dalka Soomaaliya uu u aqoonsado degmooyin cusub, waxaana jiray in degmooyin cusub uu u aqoonsaday deegaano ku yaala gobolada dhexe ee Soomaaliya iyo kuwo kale oo ku yaala gobolka Hiiraan, waxayna kuwani noqonayaan kuwii ugu dambeeyay.

Leave a Reply