Madaxweynaha Dowladda KMG oo saxiixay qorshaha ammaanka iyo xalisnta Soomaaliya, sheegayna
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay saxiixay qorshaha ammaanka iyo xalisnta qaranka NSSP, kaas oo lagu shaqeyn doono 5-ta sano ee soo socota, waxaana heshiiskaasi uu uga dhawaaqay munaasabad lagu qabtay xarunta madaxtooyada oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha maxkamadda sare Avv, Ceydiid C/llaahhi Ilkaxanaf, R/wasaare Dr. C/wali Maxamed Cali, Wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud iyo xildhibaano ayaa lagu soo bandhigay qorshe ka kooban 8-qodob, isla markaana ay soo diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed.
Prof. Axamed Cali Caanoos oo ka mid ah aqoonyahanadii soo diyaariyey qorshahan ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Saraakiil hore oo ciidamada ka tirsanaa iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ay soo diyaariyeen qorshahan oo mudnaan siinaya istaraatiijiyadda lagu dhameynayo qodobada ka harsan nidaamka dowliga ah ee ku cad shuruucda dalka.
Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Madaxweyne Shariif oo yiri “Waxaa farxasd weyn ii ah inaan saxiixo qorsaha xasilnta dalka oo muddo dheer laga soo shaqeynayay, waxaana u mahadceliayaan wasaaradihii, saraakiishii iyo dowladihii aan saaxiibka aheyn ee mar walba nala garab taagnaa talada iyo wixii kale ee loo baahan yahay”.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in barnaamijkan uu yahay midkii afarta sano ee soo socota lagu xasilin lahaa dalka, isagoo xusay in dal walba uu leeyahay qorshe Qaran, kaas oo ka billowda amniga oo la’aantiis aysan jiri karin dowlad.
Sidoo kale kulanka ayaa isna waxaa ka hadlay Ra’isul wasaraha xukuumadda KMG C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in qorshahan uu ka mid ahaa howshii xasiilnta dalka ee ka mid ahayd Road map-ka, gaar ahaan dhinaca amniga, wuxuuna yiri “Sharaf weyn bay noo tahay in Madaxweynuhu uu saxiixo qorshe dalka lagu xasilinayo oo muddo laga soo shaqeynayey, xukuumadduna ay dadaal badan gelisay, sababtuna waxa weeye in Soomaaliya ay kaga baxdo dhibaatadii ay muddada dheer kusoo jirtay”
Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo sheegay mid muhiimad gaar ah ay u leedahay Soomaaliya arrinkan, wuxuuna intaasi ku daray in qorshahani uu horseedi doono inay Soomaaliya dib ugu laabato sidii ay ahaan jiray sanado badan oo colaado ah ka dib, wuxuuna yiri “Dal aanay nabadi ka jirin horumar ma gaaro, waxaana rajeynayaa in qorshahan uu noqdo midkii Soomaaliya ay kaga bixi laheyd dhibka ay muddada ku soo jirtay”
