Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD:- Cid kasta oo isku dayda inay cuuryaamiso qorshaha Road Map-ka inaan loo ogolaan doonin inay xafiis shacab madax ka noqoto, isla markaasna laga qaadi doono…
Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa si wada jir ah u muujiyay sida ay uga walaacsan yihiin in soo xulidda xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ay cuuryaamiyaan shaqsiyaad doonaya inay daciifinayaan qorshaha Road Map-ka.
Warmurtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD ayey ku sheegeen in cid kasta oo isku dayda inay cuuryaamiso, dib u dhigto ama qasto qorshaha ku meel gaarnimada looga gudbayo aan la ogolaan doonin oo laga reebi doono inay xafiis shacab madax ka noqoto, isla markaasna laga qaadi doono tallabo ku haboon, sida ku cad war-murtiyeed ay soo saareen.
Waxaa kaloo warmurtiyeedka lagu sheegay inay helayaan xogo ku saabsan in dadka qaar ay adeegsanayaan laaluush bixin, cabsi gelin, qas iyo caddaalad darro saameyn karta soo xulidda Baarlamaanka, doorashada afhayeenka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, arrinkaasina waa mid aan la qaadan Karin marnaba, cid kasta oo lagu helana ay la kulmui doonto ciqaab adag oo aysan sheegin waxa ay tahay.
“Cid kasta oo isku dayda inay cuuryaamiso, dib u dhigto ama qasto qorshaha ku meel gaarnimada looga gudbayo aan loo ogolaan doonin inay xafiis shacab madax ka noqoto, isla markaasna laga qaadi doono tallabo ku haboon, haatan waxaa socda baaritaan arrinkaasi la xiriirta, Guddiga baaraya cid kasta oo ay farta ku fiiqaan ciqaab adag ayaan duldhigi doonaa, kama hordhaceyno baaritaanka socda, laakiin wax kasta todobaadkan gudahiisa ayey kala cadaan doonaan” ayuu yiri war-murtiyeedka ay sida wadajirka ah u soo saareen Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD.
