Midowga Yurub oo walaac ka muujiyey qaabka ay u socoto xulista Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, sheegayna…
Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay inay walaac xoogan ka qabaan habka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ka digay in la musuq-masuqo qaabka xulista xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxayna ka digeen in la musqmaasuqo xulista Xildhibaanada.
Wakiilka ururka Midowga Yurub ee Bariga Afrika Alex Rondos ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Midowga Yurub uu qabo walaac la mid ah midka ay qabaan Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD, kaas oo la xiriira jiritaanka caga-jugleyn, musuqmaasuq, eexasho iyo habab kale oo aan wanaagsaneyn oo xulidda Baarlamaanka lagu carqaladeynayo.
“Dhammaadka xilliga KMG wuxuu fursad u yahay in hogaanka cusub ee dalka uu sii ambaqaado horumarka siyaasadeed ee horay loo sameeyay, ayna Soomaaliya u gudbiyaan wejiga labaad ee safarka lagu doonayo in lagu helo nabad Soomaaliya ka dhalata” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu Midowga Yurub soo saaray.
Ururka Midowga Yurub ayaa arrintaasi ka digay, iyagoo ku baaqay in xildhibaannada lagu soo xulo si mas’uuliyad leh. Iyadoo warmurtiyeedka Midowga Yurub lagu sheegay inay u soo dulqaateen shacabka Soomaaliyeed 20-sano oo dhibaato ah, kuwo kalena aysan u dulqaadan Karin, wuxuuna Mr. Alex uu soo dhaweeyay tallaabooyinka la soo jeediyay ee laga qaadayo kuwa lagu helo inay ku lugleeyihiin falalka lagu carqaladeynayo hannaanka soo xulidda baarlamaanka.
