|

Xulista Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya oo gebogebo mareysa iyo liiska xildhibaanada oo ay ka soo dhexmuuqdeen markale xildhibaanadii hore

Guddiga xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa sheegay shalay inay meel garbo-gabo ah u marayso liiska xildhibaannada baarlamaanka cusub  ee Soomaaliya, iyagoo sheegay inay xubnahan ku jiraan kuwo aan buuxin shuruudihii laga doonayey ayna dib ugu celin doonaan oday dhaqameedyadii soo xulay.

Prof. Cabdullaahi Xiirey oo ah la guddoomiyaha guddiga farsamada ayaa sheegay inay hayaan illaa iyo hadda 220 xubnood ayna sugayaan inta harday inay soogaarto muddo dhow sidaasina ay tiradu kusoo dhameystiranto, inkastoo ay jiraan ayuu yiri i muranno xooggan u dhexeeya qaar kamid ah  beelaha Soomaalida dhexdooda

“Illaa hadda waxaan haynaa magacyada 220-xubnood, inta ka dhimmanna waxaan rajeynaynaa in la soo dhameystiro xubnaha dhiman saacadaha soosocda . Sidoo kale waxaa socda kala shaandheynta xildhibaannada lasoo gudbiyay” magacyadooda ayuu yiri Prof. Xiireey oo la hadlay warbaahinta.

Waxaa lagu waday in guddigu uu maanta ku dhawaaqo magacyada xildhibaannada cusub ee baarlamaanka, balse waxaa weli jira dib u dhacyo, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu rasmi ahaan guddigu ugu dhawaaqi doono magacyada xubnaha soo gaaray.

Beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa waxay isku haystaan xildhibaannada la xulay, waxayna qaarkood sheegayaan in si aan sharci ahayn loo xulay, halka kuwo kalena ay sheegayaan in booskoodii lagu badalay dad aan iyaga kasoo jeedin.

Xarunta guddiga ayaa waxaa ka jira buuq weyn iyadoo halkaas ay ku sugan yihiin duqeyn fara badan oo qaarkood cabanaya, waxaana ammaanka goobtaas aad u adkeynaya ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu doorto madaxweynaha cusub ee Soomaaliya 20-ka bishan Ogoosto oo ay naga xigto sagaal maalmood oo keliya, iyadoo ka hor inta aysan howshooda billaaban la dhaarin doono sida ay sheegeen guddiga xulista baarlamaanka.

Leave a Reply