|

Wakhtiga kama dambeysta ah oo loo qabtay xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Iyadoo horay loo go’aamiyey in doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhacdo 20-ka bishaan August ayaa waxaa shalay arrintaasi sii adkeeyey Guddi loo saaray, Guddigaasi oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, Saraakiil ciidan oo ka kala tirsan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Guddigaan ayaa sheegay inay ku dedaali doonaan sidii aysan dib ugu dhici lahayn doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna xuseen in maal maha soo socda ay dhici doonto doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ka dib marka la soo bandhigo xubnaha Baarlamaanka cusub.

Kulanka Guddigan ee ka dhacay xarunta Booliska ee School Pulusia ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan Ciidamada amniga in ay ku dadaalaan sidii ay u labo jibaari lahaayeen adkeynta amniga, sidoo kale waxaa loogu baaqay musharaxiinta inay ilaaliyaan amniga isla markaana ay ilaaliyaan wakhtiga doorashada dhaceyso oo ay ka harsan tahay wax ka yar 10-maalmood.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xilliga ay qabsooneyso doorashada Madaxweynaha ay dib uga dhaceyso xilligii loo asteeyay inay dhacdo, sababo la sheegay isheysadka Baarlamaanka, waxaana la sheegay inay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay dhaceyso 31-ka bisha August.

Leave a Reply