Dowladda KMG iyo AMISOM oo xasaasi ah yeeshay, muxuu ku saabsanaa kulankaasi, maxaase looga hadlay?…
Xarunta gaadiidka ciidanka Booliska ee magaalada Muqdisho shalay waxaa ka dhacay kulan dhexmaray masuuliyiin ka kala tirsan Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada AMISOM, muhiimadda kulanka ayaa ahayd sidii ay labada dhinac uga wada hadli lahaayeen adkeynta amniga guud inta lagu guda jira xilliga xasaasiga ah ee ay dhacaayaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
Kulanka waxaa ka qeybgalay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya, saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Taliye kuxigeenka Booliska AMISOM, waxaana intii kulanku socday ayaa saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho qaarkood, waxaa lagu wareejiyye 140-askari oo katirsan Booliska AMISOM kuwaasi oo qayb ka qaadan doona hawlgalada lagu xaqiijinaayo amniga guud.
Taliye kuxigeenka Ciidamada AMISOM Oye Nyeko ayaa ka sheegay madasha in Ciidamada Booliska AMISOM ay hadda ka dib si toos ah uga shaqeyn doonaan saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho.
Taliye kuxigeenka Ciidamada AMISOM Oye Nyeko ayaa xusay in qeybta labaad ee Ciidamada Booliska AMISOM laga keeni doono dalka Naijeria isla markaana ay qayb ka noqon doonaan hawlgalada laga samaynaayo Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Gen. Shariif Sheekhunaa Maye ayaa kulanka ka sheegay in Booliska Soomaaliya ay kaashan doonaan kuwa AMISOM ee dhowaan Muqdisho la keenay.
Ugu Dambeyntii Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee Xukuumadda Soomaaliya C/samed Macallin Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay diiradda saari doonto adkeyn doonto amniga xilliga lagu guda jiro doorashada.
