Midowga Afrika oo dalbaday diyaarado dagaal oo la keeno Soomaaliya, sheegayna in ciidamo dheeri ah ay…
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Boubacar Diarra ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray ku sheegay inay ka xunyihiin shilkii ay ku burbureen diyaarado u soo socday Soomaaliya isla markaan Yugandha ay laheyd, wuxuuna intaasi ku daray Mr. Diyaara in AMISOM ay sii wadi doonto howlgaladeeda Militari ee aysan hakad u gelin doonin shilalka diyaaradeed ee ka dhacay dalka Kenya.
Ambassador Boubacar Diarra ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo keeno Soomaaliya diyaarado dheeraad ah oo nooca dagaalka ah si ay gacan u siiyaan howlgalada Militari ee ciidamada AMISOM hadsa wadaan.
Ambassador Boubacar Diarra ayaa sheegay in AMISOM loo ogolaaday in markii ugu horeysay ay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka taasi oo lagu ansixiyey go’aankii ka soo baxay Golaha Amaanka ee tirsigiisu ahaa 2036, oo loogu fasaxayey ciidamada AMISOM inay keensan karaan diyaaradaha dagaalka, sidaas awgeed ay hadda dalbanayaan diyaarado dheeraad ah oo loo keeno.
Dhinaca kale ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Wafula Wamunyinyi ayaa isna sheegay in dhawaan ay keeni doonaan magaalada Muqdisho ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo mileteri si buu yiri ay wax uga sugaan ammaanka magaalada Muqdisho iyo goobta ay ka dhaceyso doorashooyinka hogaanka Baarlamaanka iyo Madaxweynenimada Soomaaliya.
