Madaxweyne Sheekh Shariif:- Lama aqbali karo in la shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay Baarlamaanka ka mid noqdaan.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay ka hadlay shaqada Guddiga farsamada iyo Xulitaanka Baarlamaanka iyo dhammeystirka marxaladda KMG, ka dib kulan uu la qaatay ergayga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.
Shir jaraa’id oo ay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Danjire Mahiga ku qabteen xarunta madaxtooyada ayuu Madaxweynuhu ku sheegay in Guddiga TSC-du ay shaqadoodu tahay keliya inay hubiyaan in xubnaha Baarlamaanku ay buuxiyeen shuruudihii lagu heshiiyay {Criteria}, shirarkii Garowe, Galkacyo, Adis Ababa iyo Nairobi.
“Waxaan isla garanay in 20-ka Agoosto marka loogu yaryahay Baarlamaanka aan heysano, heshiisyadii Garowe, Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi in la ixtiraamo, guddiga farsamadu waxay leeyihiin inay Criteria-da dadka u fiiriyaan, awood intaas ka baxsan malaha, hadday wax khilaafa yimaadaana Guddiga odayaasha u xilsaaran ayaa iska leh” ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inaan la aqbali karin in shaqsiyaad gaar ah la bartilmaameedsado oo loo diido inay Baarlamaanka ka mid noqdaan, wuxuuna yiri, “Waxaan ka wada hadalnay Mahiga inaysan jiri karin lana aqbali karin in qof ama shaqsi ama koox la bartilmaameedsado, wax walbana ay ku dhammaadaan sidii loogu talo galay”.
Madaxweynaha ay saxaafaddu weydiisay in Baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, wuxuu sheegay in loo baahanyahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta inuu buuxiyay wixii lagu heshiiyay, wuxuuna yiri “Marka la rabo qof in la eedeeyo waa in maxkamad caddaalad ah ay xukuntaa, marka qof ay maxkamad caddaalad ah xukuntay ma jiraa oo la dhihi karo dambiile waaye, waxaa laga hadlaayayna waxay ahaayeen dambiilenimo, marka waxaa la rabaa inaan la siyaasadeyn oo qorshaha sida uu yahay loo wado”.
Danjire Mahiga oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa sheegay in mas’uuliyadda soo xulidda Baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana aan la aqbali Karin in si gaar ah loo bartilmaameedsado shakhsiyaad ama dad gaar ah, wuxuuna yiri “Waa odayaasha dhaqnka keliya, kuwa iska leh mas’uuliyadda magacaabidda 275-ta xildhibaan, sida Madaxweynuhu sheegay ma jiri karto wax qof bartilmaameedsi ah, tanina waa wadada keliya ee horay loogu soconayo” ayuu yiri Danjire Mahiga oo sheegay in Madaxweynaha uu leeyahay hogaaminta dhammeystirka marxaladda KMG ah
Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddiga farsamada ayaa ka jawaabay hadalka ka soo yeeray Madaxweyne Shariif iyo danjire Mahiga, wuxuuna sheegay inaysan suuragal aheyn in Madaxweynuhu uu Guddigan wax ka ogolaado dhismihiisa haddana uu ka horyimaado waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo sheegay in qaabka ay wax u xuleen uu yahay mid saxan oo aan laablaab ku jirin sida uu yiri.
