Mid ka mid ah xubnaha ugu caasan ee loo diiday ka mid noqoshada Baarlamaanka oo sheegay…
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa magacyada xubno dhawaan ay Guddiga xulista xidlhibaanadu dib u soo celiyeen ayaa iska fogeeyay inuu ka mid yahay hoggaamiye kooxeedyada Soomaaliya, Mr. Xaabsade oo la hadlayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in sababta loo soo celiyay uusan weli garan, isagoo sheegay inaysan jirin dacwad dembi ku caddeysay sidoo kalena uusan ogeyn halka laga keenay warkan.
“Aniga hogaamiye kooxeed ma ihi, soo celinta magacaygana waxaan u arkaan inay tahay isbaaro loo dhigtay beelaha Soomaaliyeed” ayuu yiri Xaabsade oo xusay in beelaha uu kasoo jeedo ee Digil iyo Mirifle aysan laheyn hogaamiye kooxeed oo ay ahaayeen beelo iska difaacayey beelo kusoo duulay, balse aysan iyagu duulaan ahayn sida uu yiri .
Mar la weydiiiyey su’aal aheyd inay saameyn ku yeelan karto soo celinta magaciisa ay soo celiyeen Guddiga xulista Baarlamaanka ayuu sheegay inaysan saameyn ku yeelanayn, sidoo kalena aysan wax cabsi ah gelinaynin, wuxuuna yiri “Khaladaadkii Soomaaliya ka dhacay waxaa looga heshiiyey shirkii Embagathi, aniga Maxkamad wax iguma soo caddeyn, shuruudaha Road map-ka waxaa ka mid ahaa in qofkii aan dambi gelin shan sano uu ka mid noqonayo baarlamaanka, anigana lix sano ayaan Imbegathi kadib ahaa wasiir”.
Ugu dabeyn Xaabsade wuxuu Guddiga xulista Xildhibaanada Baarlamaanka ku eedeeyay inay iyagu wataan in dib ay u soo celiyaan magacyada, isagoo sheegay inaysan arrintaan dowladda KMG iyo Qaramada Midoobay aysan waxba ka ogeyn.
