Ra’isul wasaaraha dowladda KMG oo markale jawaab ka bixiyey hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sheekh Shariif, sheegayna…
Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa ka jawaabay hadal uu qalabka warbaahinta ka sii daayey Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed, kaas oo ahaa in xukuumadda Soomaaliya aysan lahayn wax saameyn ah, isla markaana aysan wax qaraar ah soo saari karin maadaama uu madaxweynenimo isu soo sharraxay Ra’iisal Wasaaraha.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya C/weli ayaa sheegay in Xukuumadda uu Ra’isul wasaaraha ka yahay ay jireyso illaa iyo inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo bedesha, wuxuuna yiri “Xukuumaddu waa jireysaa, illaa inta laga soo dhisayo xukuumad kale oo maamulka kala wareegta”ayuu yiri Ra’isul wasaaraha oo intaas ku daray in aysan jirin meel ay Axdiga KMG ah kaga qoran tahay in aysan jireynin Xukuumad ka dib marka uu Ra’isul wasaaraheeda isa sharaxo.
Waxaa kale oo uu ka jawaabay Ra’isul wasaaruhu arrin kale oo uu madaxweynaha ka hadlay, taasi oo ku saabsaneyd dikreeto uu Madaxweynaha degmooyin cusub ku magacaabay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay ahayd mid sharci darro ah, wuxuuna carrabka ku adkeeyay Ra’isul wasaaruhu inay aheyd in magacaabidda degmooyinkaas ay soo marto nidaamka dowliga ah, golaha wasiirrada la horkeeno, ka dibna madaxweynaha loo gudbiyo.
“Arrinta magacaabidda degmooyinka waxay ka gole wasiirro ahaan nagu beertay welwel tiro badan, waxayna u baahantahay in degmo la magacaabo in Golaha Wasiirada la sii marsiiyo, laga doodo ka dib Madaxweynaha loo gudbiyo, laakiin in la iska magacaabo degmooyin waxaan u arkaa kheyru-sharci” ayuu yiri Ra’isul wasaare Cabdi Weli oo sheegay in xilliga Dowladda TFG-da uu ku egyahay 20-ka Agoosto.
Waxaa wax laga weydiiyay soo xulista xubnaha Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in awoodda arrintaas ay leeyihiin Odayaasha Soomaaliyeed, Guddiga farsamadana ay kaliya howshoodu tahay in ay eegaan in qofka la soo magacaabay in uu buuxiyay shuruudihii iyo in kale. Wuxuu talo ku bixiyay Ra’iisal Wasaaruhu in ay guddigaas loo madax banneeyo howlihiisa.
Su’aal kale oo la weydiiyay Ra’isul wasaaraha ayaa aheyd in hadalkiisan iyo hadalkii Madaxweynaha laga dareemayo inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo isaga, wuxuuna ku gaabsaday in uu nidaamka dowliga ah sidaas yahay, wax intaas dhaafsiisanna aysan jirin.
