Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Galmudug oo la magacaabay.
Waxaa lagu dahawaaqay qaar ka Tirsan golaha Wasiirada Maamul Goboledka galmudug Stat oo dhawaan madaxweynaha maamulkaasi loo doortay Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).
Cabdi qeybdiid ayaa ku dhawaaqay qaar ka tirsan kolahiisa Wasiirada ee Xukuumada maamul Goboleedka Galmudug Stat ka Mid noqon doonto, iyadoo uu shalay ku dhawaaqay ilaa iyo Shan Wasiir.
Wasaaradaha uu magaacabay Mr. qeybdiid ayaa waxaa ay kala yihiin Wasaarada Xiriirka iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasaarada Maaliyada, Wasaarada Kaluumeysiga iyo Qeyraadka Badda, Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaarada Warfaafinta.
Ugu danbeentii waxaa Dhawaan Madaxweyne Cabdi Qeybdiid laga filayaa in uu Soo dhameystiro guud ahaan Xukuumada Galmudug, iyadoo Xilkiisa madaxtinimana uu ku jiro is qab qabsi.
