Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka oo la dhaariyey iyo qodobo adag oo lagu xiray qofka Xildhibaan u dhaarta
Xaflad lagu dhaarinayey 21- Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacaday garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, waxaan xubnaha la dhaariyey oo gaarayey 211-Xidhibaan loo dhaarinayey qaab ka duwan sidii horey loogu dhaarin jiray Xidhibaanada iyo Wasiirada dowladda KMG Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG Soomaaliya Avv. Caydiid Ilkaxanaf ayaa dhaariyey Xildhibaanada, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madasha madaxda ugu sarreysa ee dalka Soomaaliya iyo xubno ka socday beesha caalamka.
Xubnahan oo loo dhaarinayey min 20-xubnood markiiba ayaa loo sheegay in qofka Xildhibaan noqda uusan xil kale qaban karin mudda uu Xildhibaanka yahay marka laga reebo inuu noqdo xubin ka tirsan Golaha Wasiirada ee dowladda Soomaaliya.
“Haddaba irida ha ka baxo qofkii raba inuu qabto xil kale nuucuu doono ha noqdee ama haddii uu hadaba xil kale hayo” ayuu yiri Guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda KMG Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf oo shalay la hadlayey xildhibaanada cusub.
“Isagoo Xildhibaan ah haddii loo magacaabo xil wasiirnimo wuu qaban karaa laakiin xil kale oo uu qaban karaa ma jirto qofka Xildhibaanka ahi” ayuu yiri Ceydiid Ilka-xanaf oo intaasi ku daray in qofkii isagoo Xildhibaan ah xil kale qabtaa uu weynayo xubinimada xildhibaanka haddaba la ogaado ayuu yir mar kale.
Arrin tan ayaa waxay ku soo aadeysaa iyadoo ay xubnahan la dhaarshay ay ku jiraan Xidhibaano xilal kale haya sida agaasimayaal iyo jagooyin kale oo dowladda KMG ah, kuwaas oo aan la ogeyn in xilalka ay hayaan ay ku bedelanayaan inay ku koobnaadaan Xildhibaanimo oo keliya ama inay tanaasulayaan xidhibaanimada.
Dhinaca kale aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa iyaguna sheegay in arrintani ay saameyn karto siyaasiyiin badan oo shalay loo dhaariyey xilka Xildhibaanimada, kuwaas oo iyaga oo aan ka fiirsan u dhaartay xildhibaanimo, waxayna intaasi ku dareen in xubnaha dhaartay asan qaban karin dhamaantood xil ka weyn Wasiir isla markaasna aysan noqon Karin madaxweyne iyo ra,iisul wasaare inkastoo uusan hadalkan guddoomiyaha maxkamadda sare si cad u sheegin
Xildhibaanada cusub ayaa Guddoomiye KMG ah waxaa looga dhigay Gen. Muuse Xasan Cabdulle oo ah ninka ugu da’da weyn, kaasi oo sheegay in 25-ka bishan ay u dambeyso araajida dadka doonaya in ay qabtaan xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, si 26-ka loo doorto guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.
