Xildhibaandii hore oo Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay furanayaan xisbi siyaasadeed cusub
Xidhibaanadii hore ee Baarlamaankii waqtigiisu dhamaaday ee la baxay Xildhibaanada isbedel doonka ayaa sheegay inay furanayaan xisbi siyaasadeed cusub oo ay ku mideysanyihiin, isla mrkaasna u howlgeli doona sidii shacabka Soomaaliyeed dulmiga looga dulqaadi lahaa sida ay yiraahdeen.
Afhayeen Xildhibaanada furanaya xisbi siyaasadeedka cusub C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay inay u howgalayaan sidii ay dalka uga badabaadin lahaayeen qatar weyn oo ku soo socota ka dib markii kooxo isbaheystay ay la wareegeen xukunkii dalka iyagoo adeegsanaya magaca saxiixayaasha Road Map-ka, waxa ay doonaanna ku sameeyay xildhibaanada cusub, iyagoo qofkii taageersanaa ku daray Baarlamaanka, dadkii kale oo dhanna ka reebay.
Afhayeenku wuxuu sheegay in tusaale ay u soo qaadan karaan in dhammaan Xildhibaanadii ka soo horjeeday Shariif Xasan ee xilka ka qaaday, sidoo kalena ka soo horjeestay qorshihii ay wadeen loo diiday Baarlamaanka iyagoo heysta shahaadada ugu sareysa, taas oo ku tusineysa ayuu yiri afhayeenka sida xukunka dalka ay ula wareegeen koox aan ka fikireynin masiirka ummadda Soomaaliyeed, hamigooduna yahay oo keliya sidii ay lacag u kasban lahaayeen, dalka uu dhibka ugu sii jiri lahaa.
“Waxaa Daliil u ah in kooxaha la baxay saxiixayaashu ay ka fushadeen wixii ay doonayeen Guddiga farsamada ee xulista Baarlamaanka cusub, waxayna sii daayeen oo ay ogolaadeen rag jebiyey shuruudihii laga doonayey xildhibaanka cusub, waxayna dib u soo celiyeen rag buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, dadka ay soo celiyeen siyaasad ahaan ayey ka soo horjeedaan, taas ayaana keentay in la soo celiyo” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Ismaaciil
“Xisbi siyaasadeedka cusub ee aan ku dhawaaqi doono waxa uu diyaar u yahay inuu ka qeybgalo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya iyo tan Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub, waxaana xisbigaasi lagu dhawaaqayaa dhawaan, xisbiga cusub waxa uu u howlgeli doonaa sidii dowlad ay dadka Soomaaliyeed u dhanyihiin dalka uga dhalan laheyd, kala dambeyntii iyo cadaaladdiina dib loogu soo celin lahaa” ayuu yiri afhayeenka Xisbigaasi cusub.” Ayuu yiri markale afhayeen C/qaadir Sheekh Ismaaciil.
