|

Wararkii ugu dambeeyay dagaal qaraar oo ka dhacay degmada Badhaadhe ee goblka jubada hoose iyo Xarakada Al-shabaab oo sheegtay..

Inta la ogyahay shan qof ayaa ku dhimatay tiro kale oo intaasi aad uga bandanna  way ku dhaawacmeen dagaal  shalay  ka dhacay degmada Badhaadhe ee galbeedka gobolka Jubbada hoose kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa xarakada al-shabaab ay dhowr jaho ka soo weerareen degmadaasi oo ay ku suganaayeen ciidamada dowladda KMG ah iyo ciidamada dowladda Kenya  waxaan al sheegay in dagaalkaas xooggiisu uu ka dhacay  gudaha degmada Badhaadhe gaar ahaan  xaafadda Kurmaanka ee degmadaas.

Dagaalka oo socday muddo saacado  ayaa dadka ku dhintay waxaa la sheegay inay dhammaantood ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaallamay, inkastoo la sheegay inay jiraan dad rayid ah oo wax ku noqday dagaalkaasi  kuwaas oo ay ku dhacday rasaas habow ah.

Dagaalkaasi ayaa waxaa guulo ka sheegtay saraakiil u hadashay xarakada Al-shabaabwaxayna sheegeen in dagaalkaasi oo ay iyagu qaadeen inay ku qabsadeen inta badan magaaladaasi  islamarkaasna ay ku dileen saraakiil katirsan ciidamada dowladda Kenya iyo askar badan oo ka tirsan ciidamada dowladda ee magaaladaasi  ku sugnaa

Dhinaca kale Xassan Maqtal oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowaladda ee ka howlgala Aagga degmada Badhaadhe  ayaa sheegay in ay iska caabbiyeen weerarka ay ku soo qaadday Al-Shabaab, ayna ka dileen dagaalyahano uusan sheegin tiradooda wuxuuna intaasi ku daray inay dib ugu celiyeen halkii ay ka yimaadeen hadana ay iyagu ku sugan magaalada .

ma jirto cid ka madax-bannaan  labada dhinac oo xaqiijinaeysa wararka iska soo horjeeda ee ay labada dhinac ka sheegteen dagaalkii shalay ka dhacay marka laga soot ago in dagaalku uu ka dhacay qeybo kamid ah gudaha degmadaasi

Leave a Reply