|

Fadhigii Koobaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka cusub Oo shalay ka dhacay Muqdisho iyo buuq ka dhashay.

Ka dib markii la dhaariyey  shalay gabaldhicii 211-Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa halkaasi ka furmay fadhigii koowaad ee uu yeesho Baarlamaanka  cusub, waxaana  fadhigaasi  Mudanayaasha Baaralmaanka shir gudoominayey General Muuse Xasan Cabdulle  oo la sheegay inuu ahaa Xildhibaanka ugu da,da weyn Xildhibaanada cusub kaas oo da,diisa lagu sheegay 72 sano jir.

Gudoonka KMG-ka ah ee Baarlamaanka Soomaaliya General Muuse Xasan Cabdulle oo Xildhibaanada la hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay in waqtiga lagu xisaabtamo sidaasi darteedna ay lagama maarmaan tahay in la dedejiyo doorashada Gudoonka Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.

Waqtiga la qabanayo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku xigeennadiisa ayuu gudoonka KMG-ka ah u asteeyey 26-ka bishan iyadoo qabashada araajida musharixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaankana ay ku egtahay 25-ka bishan islamarkaana ay maanta oo ay bishu tahay 21 ay qabshada araajidu  bilaaban doonta taas oo ku eg 25-ka bishan  waxaana kulanka sidoo kale laga sheegay  in  Guddiga doorashada  maanta lagu dhawaaqi doono ka dib markii guddi uu iskii u soo magacaabay guddoomiyaha KMG ahi ay Xildhibaanadu diideen.

Fadhiga Labaad ee Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo balamiyey inay isugu yimaadaan maanta oo ay bishu tahay 21, kaas oo ka dhicidoona xarunta gaadiidka Booliiska degmada C/casiis ee gobolkan Banaadir sida uu sheegay guddoomiyaha KMG ah Muuse xasan.

Madaxweynaha dowladda  KMG waqtiga xaafiisku dhamaaday Shariif Sheekh Axmed ayaa gebagebadii kulanka ka jeediyay khudbad kooban ayaa mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka u hambalyeeyay, wuxuuna dhanka kale xasuusiyey sida ay u weyntahay dhaarta ay dhaarteen isagoo xusay in laga doonayo inay dhaartaasi ka dhabeeyaan oo ay si cadaalad ah  ugu adeegaan dalkooda.

Leave a Reply