|

Males Zanawi oo la Xaqiijiyay inuu Geeriyooday.

Dowladda Itoobiya ayaa goordhow shaacisay inuu geeriyooday Ra’iisal wasaarihii Dalka Itoobiya Males Zanawaai kaasoo bilihii ugu dambeeyay aad u xanuunsanaa.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaayo in Males uu Saakay geeriyooday iyo inuu geeriyooday labo bil ka hor xiligaasoo ay warbaahinta Soomaalida iyo tan Caalamka ay baahiyeen in Males uu dhintay.

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Males uu saakay geeriyooday.

Males oo 57 sano jir ah ayaa dalka Itoobiya waxaa uu ka ariminaayay 21-kii sano ee la soo dhaafay.

Leave a Reply