Wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo xukun adag la duldhigay, lagana dalbaday….
Wararka naga soo gaaraya magaalada Washinton ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, isla markaasna soo noqday wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumaddii mileteriga aheyd, marna soo noqday Ra’isul wasaare Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa lagu xukumay xukun adag ka dibn dacwad ku socotay laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii illaa hadda.
Sida warku sheegayo Gen. Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa xukun duldhigtay Maxkamad Mareykan ah oo kiiskiisa qaadeysay, waxayna ku xukuntay inuu magdhow ahaan u siiyo dad ay sheegtay Maxkamaddu in Generaalku uu dhibaatooyin kala duwan u geystay xilligii uu ahaa wasiirka gaashaandhigaa ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxayna Maxkamaddu intaasi ku dartay in baaritaano dheer oo ay sameysay ka dib ay heshay sida ay sheegtay dembiga uu galay Maxamed Cali Samatar.
Maxkamadda ayaa ku xunkuntay inuu magdhow ahaan u siiyo dadka ay sheegtay inuu dhibaato uu u geystay lacag gaareysa 21-milyan oo lacagta mareykanka ah, taas oo ah middii ugu adkeyd oo abid lagu xukumo qof Soomaali ah, isla markaasna xil ka soo qabtay dowlad Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay in Gen. Samatar ay dacwad ku soo oogeen 7-ruux oo u dhashay maamulka Somaliland, kuwaas oo sheegay inuu laayey sida ay yiraahdeen dad reer Somaliland ah, waxayna dadkaasi ku doodeen inuu mas’uul isagu ahaa xasuuq laga geystay sida ay sheegeen magaalada Hargeysa xilligii ay dalka ka talin-jirtay dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Gen. Maxamed Siyaad Barre.
Dhinaca kale Gen. Cali Samatar oo ka hadlay xukunka lagu riday ayaa sheegay in xukunka uusan aheyn mid cadaalad ah, wuxuuna xusay inuusan gelin wax dembi ah shaqsi ahaan, xilliga la sheegayo inuu dembi galayna uu ka tirsanaa nidaam dowli ah oo dalka oo dhan maamulayey, isaguna uusan gelin dembi ah ah, eedayna loo soo jeediyayna ay tahay mid laga badbadiyey oo been abuur ah.
