Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Kismaayo iyo xaaladda oo aad u kacsan
Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xaalada Magaaladaasi saakay ka tahay mid kacsdan kadib markii ay isaga bexeen inta badan xoogagii Al-shabaab.
Wararku waxa ay sheegayaan in magaalada Kismaayo ay kaabiga ku soo hayaan ciidamada huwanta ee dagaalka kala soo horjeeda xarakada Al-shabaab, iyadoo weli dadku ay sii barakacayaan.
Inta badan saraakiishii iyo ciidamadii ugu badnaa ee Al-shabaab ayaa magaalada isaga baxay, inkastoo weli ay magaalada gacanta ugu jirto Al-shabaab oo aanay kawada bixin haddana cabsi ah inay ciidamada huwanta soo galaan ayaa laga baqi qabaa.
Dhanka kale waxaa hawada ka baxay Idaacad ay Al-shabaab lahaayeen oo magaalada Kismaayo ku taalay, taasoo dadka laga guubaabin jiray, waxayna taasi keentay in dadku badi cabsi la soo deristo.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in ciidamada huwantu ay hadda ku sugan yihiin meel si aad ah ugu dhow magaalada Kismaayo, lagana yaabo in saacadaha soo socda ay gudaha u soo galaan magaalada.
Xoogaga Al-shabaab ayaa baneeyay dhufeysyadii hore ee ay kaga jireen magaalada Kismaayo, taas ayaana suuragal ka dhigi karta in ay si fudud Kismaayo ku galaan ciidamada huwanta.
Inta badan goobaha ganacsiga ayaa xiran, dadka ku harayna waxay intooda badan ka soo wada bexeen guryahooda, si ay u qiimeeyaan xaaladda oo qarka u saaran inay si degdeg ah isu bedesho.
