|

Haweeney 102-sano jir ah oo wadda gaari ay soo iibsatay iyadoo 20-sano jir ah

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka  oo 102 sanno jirta ayaa waxay waddaa baa la leeyahay gaari ay soo iibsatay iyadoo 20-sano jir ah, waa 82 sano kahor.

Haweenaydan waayeesha ah ayaa gaariga soo iibsatay sanadkii 1930 ilaa iyo haatanna gacanteeda ayay ku wadataa, wuxuuna gaarigeedan ka mid yahay gawaarida ugu wanaagsan ee la jecel yahay, kuwo badan oo casri ah ayuuna ka wanaag badan yahay baa la leeyahay.

Gaariga ay haweeneydan waayeesha ah wadato ayaa dhowr jeer waxaa laga beddelay qalabkii uu ku soo degay ee dhinaca matoorka, waxaana wax ka bedelis ugu dambeysay baa la yiri sanadkii 1949-kii.

Waxa uu gaarigan ka qayb qaataa tartannada baabuurta, wuxuuna qeyb ka yahay waxyaabaha cajaa`ibka ah ee dunida dhowrkii sanaba mar la qabto.

Haweeneydan waayeesha ah ayaa la sheegayaa inay ku faraxsan tahay iyadoo da’daas ah in gaari duq ah ay waddo, isla markaana uu gaarigeeda ka mid noqdo gawaarida ugu cajiibsan dunida.

Leave a Reply