|

Waalid ka cabanaya Gabar dhuuni ah oo weligeed aan dhergeyin

Gabar lagu magacaabo Jedi ayaa la sheegayaa in ay tahay gabar aad u cir weyn oo maalintii raashiin cunta in ka badan 10 jeer.

 

Gabadhan dhuuniyadda ay ayaa cirweynineeda waxaa ka cabanaya Hooyadeed oo sheegtay in gabadheeda aysan dhergaynin xitaa haddii  cunto la siiyo maalintii 12 jeer.

“Haddii aan in ka badan 10-jeer cunto la siinin waxay  u haareysaa sidii qof baahan oo kale, waxayna si dhuumaalaysi ah u xaddaa raashiinka” ayay tiri Hooyadan oo ka welwelsan cirweynida gabadheeda.

“Hooyada ayaa sheegtay in ay ka qariyaan furayaasha meelaha keydka cuntada iyo ferentijeerada lagu keydiyo cunada iyo cabitaannada, haddii aan sidaas la yeelin joojin mayso wax cunista oo way iska  wedaysaa” ayay tiri Hooyadaan oo ku calaacashay xitaa inay dhakhaatiirtu wax ka qaban waayeen cirweynida gabadheeda.

 

“Gabdhaan xitaa waxa ay cunaysaa saabuunta markii ay gasho musqusha, xitaa waxaan ka qariyaa cuntada eyga guriga ii jooga oo wey ka cuneysaa” ayay tiri.

 

Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in gabadhan mar waliba oo ay da’ ku kordhaba ay u baahanayso cuno dheeraad ah oo jirkeeda ayaa waxaa ku jira unug kordhinaya rabitaanka cuntada iyo baahida.

Gabdhaan oo aad jirkeedu u cayilay isla markaana ah shuluq socodku xitaa dhibayo  ayaa waxay waalidkeed go’aansadeen in wax kastaba ha dhacaane aysan 12 mar wax ka badan cuno siinin.

Leave a Reply