|

BARASHADA WADANIYADDA IYO MADANINIMADA!!

Madaada barashada wadaniyadda waxay xambaarsantahay mawaadiic dhowr ah ee taabanaya anshaxa suuban iyo aqlaaqda laga rabo qofka magaalo degan inuu ku dhaqmo halkaas oo ay wada deganyihiin dad isir ahaan kala duwan oo kala jaad ah oo magac qaran iyo astaan dowladnimo wadaagga taas oo si weyn uga duwan nolosha degmada amase tuulada qofka uu shakhsiyan dhalyo ahaan ka soo jeeda ama ka yimid amaseba uu deganyahay qabiil gaar ah, inkastoo qofka bani’aadmiga ah ee weliba islaamnimada ay diiniyan u dheertahay waxaa mas’uuliyad ka saraantahay kookan aan ku wada nool nahay gebi ahaan, haddana barashada dhaqanka madaniga ah {Civic culture} waxay qeexaysa qofkaasi mas’uuliyadda saraan, waajibaadka laga rabo inuu fuliyo iyo xaqa uu dalku ku leeyihiin taas oo kuligood ku cad dustuurka dalka uu ku noolyahay lagaga dhaqmo noocuu doono ha ahaadee.

Dadka ka shaqeeya Aqoonta, Madaninimada, Wadaniyadda ku dhisan ee magaalo joognimada {Civic education practitioners} waxay mowduuc amase maado qur ah ka dhexdoortaan mawadiic kala nooc ah oo lagu muujiyo shaqadooda, waxay doortaan mawaadiic u jeeda waxbarasho ay ruumeysanyihiin inay xambaarsantahay fariin si balaaran u taabaneysa ujeedooyinka laga leeyahay nooca la rabo ee waxbarasho ee la rabo in markaan liishaanka la saaro.

Mawaadiica amase maadooyinka way badanyihiin, waxaanse ka soo xulan karnaa tusalaahan:- sida barashada siyaasadda, habka doorashooyinka loo dhigo, tababarka hogaaminta {Leadership training}, mas’uuliyadda lagu mareeyo awoodaha, qaabka lagu gaaro hogaaminta, fariimaha soo jireenka ah ee barashada nolosha magaalo joognimada sida:- Macnaha demoqaraadiyadda, Doorka, masuuliyadda iyo xuquuqda wadaniga, Maamul wanaag, Habraaca iyo mabad’ida dimoqaraadiyadda.

Hay’adaha Dustuuriga iyo qawaaniinta kale:- Fariimaha aan kor ku soo sheegnay ma ahin wax lama taabtaan ah, waxaase la soo qaadan karo oo kale wixii mujtamac kasta u gaar ah oo qiyam ahaan uu dhowro, ujeedooyinka laga leeyahay barashada Wadaniyadda iyo nolosha magaala-joognimada waxay tahay in muwaadinka lagu geesigeliyo inuu si buuxdo uga qaybgalo siyaasadda degmada uu ku noolyahay iyo midda dalka guud ahaan iyo inuu qofku u qoolanyahay qiyamka ma dhaafaanka ah ee asaasiga ah ee caqiidada diinta Islaamka gaar ahaan marka laga fiiriyo xaaladda dalkeena Soomaaliya uu maanta marayo.

Hadaba iyaadoo maanka lagu hayo qasdigan shaqo ayaa dadka ku howlan barashada wadaniyadda iyo nolosha magaalo-joognimada waxay qorsheeyaan oo ay soo saaraan barnaamijyo waxbarasho oo ku aadan nolosha madaniga ah oo si qaro weyn muqararkooda waxbarasho uu kala duwanyahay, isla markaasna la tixgeliyo duruufaha uu gaarka ah wadan kasta, waxaa jira wadamo muqararkada dugsiyadoodu ay ku jirto maadada barashada wadaniyadda iyo madaniyada inta u dhaxeysa min dugsi hoose illaa Jaamacad, tiiyo heerarkaas wixii kacanaaka ka horeeya hannaanka waxbarashada heerakeeoda kala duwan waxaa lagu baran jiran madaada barashada wadaniyadda iyo dhaqanka madaninimada, taas oo door weyn ka ciyaareysay sare u qaadidda doorka qofku ku leeyahay horumarinta mujtamaca heer kaste amase mansab kasta uu ka jooga sida, Siyaasi, Aqoonyahan, Hoggaamiye, Xildhibaan, Maalqabeen ama Ganacsato, Arday, Ciidan iyo meherad kasta oo uu qofku noloshiisa ku mareeyo illaa xamaali ama kuuli, hadaba, waajibka saaran iyo xuquuqda uu leeyahaya qofka wadaniga ah waxaa ka mid ah:

Xuquuqda:- Qof kasta oo muwaadin ah waa inuu helo xuquuq xagga sharciga ah sida inuu helo garsoor caadil ah, in laga difaaco kala faquuqa, inuu ku noolaan karo dalka meeshuu ka doono iyo inuu helo xoriyadda fekerka iyo kulanka nabadda ku dhisan, inuu musharax doorasho isu taagi karo, isla markaasna wax uu dooran karo, inuu heli karo basaaboor uu ku dhoofo iyo inuu dalka ka bixi karo markuu doono isagoo xor ah iyo inuu heli karo wax damaano qaadi kara inta uu dalka dibaddiisa joogo, tiiyo laga ilaalinayo tacadi inay cid kale ku sameyso, howshan dambe sida badan waxaa qabta safaaradaha, qunsuliyadaha iyo ergooyinka diblumaasiyadda ee dalku ku matala wadama dibadda ah.

Ma banaano xaqa qof amase xuquuqda koox ay ku xad-gudbaan ama wax u dhimaan xaqa uu leeyahay qof ama xuquuqaha ay leeyihiin koox kale, sidaas daraadeed ayaa waxaa ma huraan ah in Maxkamadaha ay fasasir waqtiyeysan ka bixiyaan xeerarka lagu dhaqmayo si loo xaqiijiyo inuu xeerku u hirgeliyay si aan mugdi jirin, waajibaadka iyo mas’uuliyadda saaran qofka wadaniga ah waxaa ka mid ah: Inuu wax dooran karo lana dooran karo, inuu kaalmo u fidin karo dadka kula dhaqan degmada, inuu difaaco dalka haddii dibadda laga soo weeraro, inuu ilaaliyo gashaanna u noqdo dhowrista deegaanka iyo dhaxalka qadiimiga ah ee dalku leeyahay iyo inuu u hogaansanyahay sharciga.

Inuu si xor ah u muujin karo fekekiisa/ray’yigiisa, rayigeeda iyadoo uu dhowrayo xuquuqda iyo xoriyaadka dadka kale kuna jooga markasta anshaxa suuban oo fekerka loo muujiyo la iskana ilaaliyo meel ka dhac iyo dhag-xumo cid kale loo jeediyo, inuu dabargooyo dhammaan kala faquuqa iyo cadaalad darrada nooc kasta oo ay tahay mid duug ah iyo mid cusub-ba, qofka wadaniga ah xilka saaran waa ka badanyahay inuu codkiisa dhiibto una hogaansanaado sharciga oo keli ah, waa inuu muwaadinku ku lug lahaado horumarinta degmada uu ku noolyahay iyo dalka guud ahaan, qof kasta wuxuu hibo u leeyahay wax uu dalkiisa iyo loogi karo si dalku u noqdo meel si wacan dadku ugu wada noolaan karaan, sidaas darteed waa inuu muwaadinku ku biiro koox degmada ka mid ah tusaale, kooxda deegaanka ilaalisa {Environment conservation and protection group}, kooxaha samafalka {Welfare Group}, mutadawiciinta ka shaqeeya ololaha doorashooyinka musharaxa ay raacsanyihiin, kaalmeynta deriska, la shaqeynta kuwa kale ee la degamda ah sidii loo xallin lahaa mushkilo markaas ka dhex jirta degamda, aaloosidda guutooyinka qaabilsan ka hortagga khilaafaadka, gurmadka masiibooyinka iyo wixii kale ee la midka ah.

Muwaadinku inuu u hogaansanyahay dhammaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay ka sokow, waxaa muwaadinka laga rabaa inuu dhaar ku maro oo wacad ku qaado inuu u hogaansanaanayo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo, iyadoo ay mas’uuliyaddaasi dadka oo dhami ay wada saarantahay, haddana waxaa si gaar ah tusaale u soo qaadan karnaa doorka macalinku ku leeyahay mujtamaca oo si weyn oo aad ah u ballaaran, doorka macalinku ku leeyahay mujtamaca aad ayuu uga balaranyahay marka laga fiiriyo doorka ay wadaniyiinta kale ku leeyihiin dalka kasta, macalinku waa barbaariyaha ubadka berri hogaanmin doono, howshaasna ma ahin mid uu qof kasta qaban karo tusaale Macalin C/raxmaan C/dulle Shuuke wuxuu Macalin u noqday Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Jawaari.

Sidaasi si la’eg hadda waxaa jooga arday uu wax soo baray Prof. Jawari, taasina waxay daba joogta fekerkii Cali Ibnu Abu Daalib, Wejigiisa Eebe ha karaameeyo oo ku yiri: “Ku guuleyso cilmiga jaahilna ha ka noqon, dadku weyn geeriyoodaan, dadka cilmiga u saaxiibka ahse wey nool yihiin”, taas waxaa looga jeeda qofka macalinka ah hadduu xittaa geeriyoodo waxaa markasta nolosha ku dambeeya dadkii uu soo tacbay inay aqoonta u fidinayaan jiilaalka kale ee is xigxiga oo dhalaanaya, sida aadanaha kale, macalinku wuxuu si wacan u soo barbaariya hooyo iyo aabe kuwaasuna waa saldhigga iyo isha ay ka soo burqaneyso dareenka wadani ahaan waxa macalinku mujtamaca iyo dalkiisa guud ahaan.

Howsha macalinka oo ka soo bilaabaneysa hingaada iyo meeriska dhallaanka yaryar mar ay bilaabaan dugsiga xanaanada iyo heerarka kale ee kala duwan ee waxbarashada illaa heerka jaamacadda ma ahin howl sahlan oo waxay u baahantahay samir iyo dulqaad xad-dhaaf ah sifahaasna ma ahin mid qof kasta uu heli karo, sidaas darteed macalinka waa inuu muuna la bidhaansado u noqdo mujtamaca intiisa kale oo howsha u gaarka ah ka sokow, waa inuu macalinku ka qeyb qaato howlaha iskaa wax u qabso oo loogu daneynayo mujtamaca iyo dalka guud ahaan, daladaha waxbarashada waa inay ku tala galaan inay markale muqararka waxbarashada ay ku daraan maadada wadaniyadda iyo macnaha ay magaalo-joognimada fiicani leedahay, qaranka guud ahaan {Civic Education and the citizen’s role and responsibilities in his/her nation}.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh oo Bare iyo Aasaaseba ka ahaa Machadka SIMAD wuxuu wax soo baray oo ku soo barbaariyey machadkaasi kana soo aflaxay arday badan waqtii dalka ay ka jireen xaaladda adag oo dagaal oo aysan ardaydu u saamaxeyn inay wax ku bartaan deegaan xasiloon, Madaxweynaha wuxuu ka soo jeeda qoyska Bulshada Madaniga ee mudada dagaalada sokeeye ka shaqeynayey musaalaxadda, deminta colaadaha iyo xallinta khilafaadka dalka ka jiray welina u baahan in loo helo xal waara, .

Professorka Madaxweynaha loo doortay waxaa looga fadhiya inuu dadka oo hadda u badan dad magaala-joognimadu amase madaninimadu ku yar tahay inuu baro maadada wadaniyadda iyo magaala-joognimada fiican si dadka maskaxdooda looga saaro fekerka cadaalodarrada ku dhisan ee 4.5-ka ee meel laga soo guuriyey aan illaa hadda la sheegi karin, Prof. Xasan iyo Prof. Jawaari ha tuurina tabashiirta bacdamaa laydinka sugayo inaad waxbartaan dal dadkiisu dagaalo iyo aafooyin dabiici ay halakeeyeen, waa inaad horseedaan mujtamac ku dhisan cadaalad iyo shaqo si loo soo celiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ku luntay dagaalada sokeeye si looga maarmo taageeri gacan shisheeye oo haba yaraatee aan meelna lagu gaareyn, laakiinse na dhaxalsiin karta gunnimo iyo gumeysi dalka la geliyo. {Professors don’t throw away the chalk since we expect you teach a big classroom – the Somali country and its people}.

Waxaa Qoray:- C/qaadir Maxamuud Walaayo Email:- E-mail: walaayo@yahoo.com

Leave a Reply