|

Marxaladihii la soo maray iyo waqtiga la joogo maxaa u dhaxeeya?!!!

Soomaaliya waxay soo martay 20-kii sano ee u dambeeyay burbur iyo barakac aad u weyn, ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, wixii ka dambeeyay markii ay burburtay dowladdii mileteriga aheyd, waxaa dalka Jabuuti lagu soo dhisay dowladdii Cali Mahdi oo dhaxashay dagaal sokeeyo oo dhexmaray Caydiid iyo Cali Mahdi, taas oo keentay inuu dalku galo 10-sano oo burbur iyo barakac horleh.

 10-sano ka dib waxaa dalka Jabuuri isugu tagay waxgarad Soomaaliyeed oo ka koobnaa bulshada qeybaheeda kala duwan sida Siyaasiyiin, Salaadiin, Culimaa’udiin, Haween iyo cid kasta oo wax ka geli kartay arrinka Soomaaliya, waxaan la hilmaamikarin dowladda Jabuuti oo fidisay gogol nabadeed oo ay ku wadahadlaan qeybaha kala duwan ee Soomaaliya, taas oo qaadatay 8-bilood, intaas shacbiga iyo dowladda Jabuuti waxay bixinayeen wixii qarash-aad ah ee baxayey 8-daadaasi bilood, dadkii ka qeybgalay shirkaasi waxay gaarayeen inta u dhaxeysa 2-3-kun oo ruux, waqtidheer iyo wadatashi ka dib waxaa halkaasi ka dhashay dowladdii uu hogaaminayey Dr. C/qaasim Salaad Xasan, laakiin dowladdii C/qaasim sidii loogu hanweynaa waxba uma qaban, sababtoo ah beesha caalamka kama helin gacan-dhaqaale oo ay dowladdu u baahneyd si ay u shaqeyso.

Dowladdii C/qaasim ka dib waxaa dhashay Midowgii Maxkamadaha Islaamka oo dalka ka dhaliyey nabad iyo kala dambeyn 6-dii bilood ee ay xukunka hayeen, sanadkii 2006-dii waxaa dalka Kenya lagi soo dhisay dowladdii C/laahi Yuusuf Axmed, taas oo ay dadka Soomaaliyeed u qaateen in lagu burburinayo Maxkamadihii iyo nabaddii ka jirtay koonfurta Somaliya, waxayna aheyd markii ugu horeysay taariikhda in ciidamo ajnabi ah ay dalka soo galaan, kuwaas maal iyo dad noolka burburiyey, dowladdii C/laahi Yuusuf waxaa- xigay dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taas oo mas’uul ka aheyd labo dhibaato waa weyn oo illaa iyo hadda xal loo helin, labadaasi dhibaato waa Al-shabaab iyo burcad badeed, dhib iyo shido badan ka dib waxaa halkaasi ku dhamaaday KMG.

Nasiib-wanaag waxaa dhismay dowlad rasmi ah, laguna doortay dalka dhexdiisa, aadna u soo dhaweeyeen shacbiga Soomaaliyeed iyagoo rajeynaya in dowladdan ay ugu bogsoon-doonaan xanuunkii badnaa ee ay soo mareen, caalamku wuxuu xoog iyo dhaqaale badan ku bixiyey sidii shacbiga Soomaliyeed u heli lahaayeen dowlad rasmi ah, laakiin siyaasi-yiinta qaarkood waxay leeyihiin dowladaha caalamku ma waxay dowl-ad rasmi ah u dhiseen arrimo kale oo u suurtagelin kara waxyaabo ay ka waayeen dowladihii KMG ahaa xagga sharciyadda, ma waxay rabaan inay waxay doonaan ka sameystaan dowladda cusub oo uu dhaqaalaheeda ku xiranyahay beesha caalamka, si kasta oo ay ahaatase lab-ada arrimood ee aan kor ku soo sheegnay middey noqon doonto waa la arki doonaa, wuxuuse hal ku dhigeenu yahay dhereg gumeysi wa-xaan ka dooranay gaajo xorriyad leh, waa sidii uu dhihi jiray Madaxw-eynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre Alle ha u naxariistee.

Waxaa Qoray:- Siyaasiga Xaashi Nuure Aw-diini

 

Leave a Reply