|

Shirqoolka iyo dabinka cadowgu u dhigay Soomaaliya!!

Sida qaalibka ah hagardaamooyinka aadanuhu isu dhigo waa noocyo badanyihiin, waxayna ka dhacaan inta u dhaxeysa min dadka caadiga ah illaa nidaamyada dowladaha ama gudahooda gaar ahaan jilayaasha siyaasadda ama dibadooda xiriirka ay wadamada kale la leeyihiin, iyadoo falkaas loo maro si sir ah ama si caad ah.

Ujeedka laga leeyahay shirqoolada iyo cidda fulisa:- Iyagoo u kala baxa kuwo xadeysan oo muddo kooban jira iyo kuwo halis oo daba dheeraada hadba inta ay la’eg tahay danta laga leeyahay, waxaa in debin la isku rida badaanaba asaas u ah hanka ay ka qabto cidda dhigeysa shirqoolka inay ka gaarto dhinaca kale dano ay markaas is leedahay waa ka faa’ideysan kartaa si toos ah amaseba si dadban, iyadoo falka ay hirgeliyaan dhowr wadan oo isku garab iyo kuwo kale amase wadan qur ah mid ahaan, debinka shirqoolka loo maleegayo dal ka faa’iideysigiisa miraha laga leeyahay wuxuu noqon karaa mid soo dhisma muddo dheer oo u dhaxeyn karta sanooyin illaa waqti ka badan oo dheer, waxaa howshaasi sida badan fuliya hay’adaha sirdoonka iyo muqabaraadka, laakinse maqaar saar ahaan huwan magaca Diblumasiyadda, Dhaqaalaha, Dhaqanka, Samafal, Warbaahinta iyo wixii kale oo la mid ah, sida badan kama marna inay isticmaalaana dadka loo yaqaan {Double Agents} amaba labo kaarayaal oo u dhashay wadamada wax laga fulinayo.

Hay’daha Sirdoonka dadka ka shaqeeya waxaa lagu tababara dugsiyada loo yaqaan School of Espionage oo tabaha gaar ah ee sirdoonka ka sokow waxa kale oo la siiya tababar caskarinimo oo aad u sareeya si ay ugu darbanaadaan inay iska difaacaan haddii ay u gacan galaan muwadiniinta dalka bartilamameedka ah bacdamaa ay howshoodu tahay qatar ay dhici karto inay naftooda ku waayaan, waxaa lagu carbiyaa luqooyinka iyo hirfado shaqooyinka caadiga ah ee kala duwan oo loo adeegsado hadba dalka la rabo in howsha sirdoonka laga soo fuliyo, waxaa la ogaaday xiriirka dowliga ah {International relations} inysan jirin wax saaxiib la yiraa balse waxaa jira cadaawo, marka inta qof uu qofka kale kaaga cadaawo yaryahay ayaa waxaa kan dambe midka kale uga dhigeysaa inuu u yahay saaxiib, saaxiib iyo sokeeye waa magaca ee ma ahin wax jira oo la isku haleyn karo marka laga fiiriyo xiriirka caalamiga ee dalalka dhex mara.

Dhibaatooyinka loo geysto bartilmaameedka:- Meelaha qaar bartilmaameedka liishaanka u saaranyahay waxay u geystaan dhibaatooyin noocyo badan leh oo lagu jahawareeranayo degenaanshaha iyo amaanka gudaha, iyadoo bartilmaameedka la beegsanayo laga fuliyo tallabooyinka qalqalka geliya dhinaca siyaasadda, qarbudaad xagga amaanka iyo xasilooni darro xagga dhaqaalaha amaseba haddiiba loo baahdo in lagu qaado weerar toos ah, inkastoo uusan weerarku noqoneyn qiyaarka ugu horeeya ee la adeegsado, weerarku wuxuu noqon karaa mid huwan ah oo ay dhowr wadan isku baheystaan ama dal qur ah uu qaado, waxaase marka hore dalka la bartilmaameedsanayo la darsaa muddo dheer waxa qiimaha u gaarka ah uu u leeyahay ee cadaawuhu ka naafeyn karo sida taariikhdiisii hore, heerka ay la’eg tahay kalsoonida isku qabaan shacabka dalka ku nool, hanaanka ay qabaa’iilku u dhisanyihiin, xurgufta ka dhaxeysa iyo waxyaabaha dhaliya, dhaqanka, qaabka deegaanada, aqoonta maadiga iyo tan diiniga ah iyo qiyamka kale ee dalkaasu leeyahay ee aasaaska u ah isku xirnaanta shacabka, iyadoo mowduuca sirdoonka uu aad u balaranyahay, waxaa dadyowga adduunku ku soo dhaqamayeen muddo hore, waxaana kuwii ugu dambeeyay ay ahayeen kuwa aad u casrisan marka laga soo bilaabo labadii dagaal ee adduunka ee ugu dambeeyay iyo dhaxalkii laga helay, waxaa loo yaqaan dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay dalalka quwadaha waa weyn isbeda.

Adeegsiga warbaahinta shisheeya ee maleegista shirqoolada:- Waxaa dalka la rabo in la waxyeelo loo adeegsadaa borobagaanda xagga warbaahinta oo aad ugu muhiim ah wadamada shirqoolka u maleegaya wadamada kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin sida iyadoo la abuuro barnaamijyo dadka lagu jahawareerinayo waxaa loo yaqaano {Misinformation}, tusaale: Idaacadaha shisheeyaha ee afka Soomaaliga ku hadla sida BBC-da iyo VOA-da qeybaha afka Soomaaliga, waxay dadka badankood u heystaan inay yihiin kuwo xog iyo warsiinaya dadweynaha Soomaaliyeed, waxay runtii yihiin kuwo taxliil cilmi ah {News analysis} ku sameeya hadalada Soomaalida isku dhaafsadaan ee barnaamijyada dhowrka ah lagu faafiyo inay yihiin dad dowladnimo hanan kara inay yihiin iyo in kale iyo inay yihiin dad aaminsan wax dowladnimada ka hooseeya sida qabiyaaladda, cadaalada darrada qeybsiga hantida dalka, iska horimaadka diinta iyo dariiqooyinka, ilbaxnimada, heerka musuqmaasaqa iwm.

Mar la isku soo qaaday in la xiro qeybta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaa qof Ingiriisk ah oo ka mid ah hogaanka sare ee BBC-da uu ku dhawaaqay in BBC-da qeybta Af-Soomaliga ay muhiimad gaar ah ugu fadhido dalka Ingiriiska sidaas darteedna loo baahanyahay inay sii soo shaqeyso, iyadoo sidaas la xusuusanyahay BBC-da qeybta Afka Soomaaliga oo la aasaasay sanadkii 1957-dii sababta ka dambeysana waxay aheyd in dadka Soomaalida aysan ku xirmin Idaacaddii Sawtul ee Qaahira waqtigaas uu dalka Masar ka socday dagaalkii Qanaatul Suweys iyo dhaqdhaqaaqii gobanimadoonka Afrika oo Masar ay hogaanka ka aheyd, qofka maqaalkan aqrinayow, bal isweydiiya waa maxay faa’iidada uu qofkaasi sheegayo haddaan looga jeedin in si qalloocan oo qaldan loogu qaabeeyo siyaasadaha dadku ay aaminsanyihiin xtitaa qofkaasu ma sii faahfaahin faa’iidada uu sheegayo, waayo ma ahan wax afka lagu dhufan karo.

Soomaaliya waxyaabaha lagu dumiyey dowladdii u dhisneyd waxaa ugu horeeyay brobaganda BBC-da Afka Soomaaliga ay sii deyn-jirtay, waxaa kaloo taas dheer iyadoo wararka ay sii daayaan oo Soomaalida ku saabsan lagu saleeyo siyaasadaha ay wadamadaasi taabacsanyihiin umuuraha Soomaalida isku dhaafsadaan Idaacadahaasi, waxay halka ka qaataan rayul caamka Soomaalida iyo sida dadku ugu diyaarsanyihiin inay dowlad noqon karaan, dadka doodaha ka qeybgalaya inta ay qodanyihiin, wareysyada lala yeelanayo qofka caadiga ah ee suuqa jooga isla markaasna fursad uu ku hadlo la siinayo qof aanan kala garaneyn meel ay wax u socdaan amase ka socdaan, laakinse hungri hayo waa waxay siiyeen magaca ah codka qofkaas aan codka laheyn {The voice of the voiceless}, waxaa kaloo loo adeegsada in aqliyaadka lagaga dilo dalkii la rabo in la halakeeyo iyo dhaqanka oo laga galo, iyadoo la bartilmaameedsanayo dhalinyarada oo ah meesha ugu nugul haddana muhiim u ah mutjamac kasta oo adduunka ka jira.

Sidoo kale waxaa intaas dheer warbaahinta tirada badan ee hadda dalka ku soo korortay inta uu dalku ka jiray burburka, waxa baxaaliga warbaahinta gudaha {Local press attitude} ay dadyowga kale, gaar ahaana cadaawaha Soomaalida ka dheehdaan inta ay la’eg tahay aqoonta iyo ilbaxnimada dadka wax baahinaya ee sita magaca Saxafiyiinta, sababtoo ah ma jiro ajenda warbaahinta maxaliga ah ay leedahay ee lagu badbaadinayo dalkan ay musiibadu ku dhacday, sidaas darteed waxaa warbaahinta gudaha looga baahanyahay inay dejiso ajenda heer qaran oo dalka iyo dadka looga badbaadinayo xaladaha murugsan ee hadda dalku jiro iyo qatarta soo fool leh haddii sidan la sii ahaado, dadku waxaysan illaa hadda garan isticmaalka FM-yada gudaha ay isticmaalayaan idacadahaasi xoogga weyn oo wararkoooda ay ku faafinayaan iyagoo ku hadlaya afka Soomaaliga, wadamada galbeedka Afrika waxaa muddo hore laga joojiyey idacadaha shisheeyaha oo loo arkay inaysan dan ugu jirin dalalkooda balse looga jeedo in lagu qalqalgeliyo dalalkooda, iyadoo adeegsiga idacadahaasi ay qeyb ka yihiin isticmaarka nooca cusub ee soo kordhay qarnigan dambe.

Qeybinta Soomaaliya:- Haddaba markaan u soo noqono dalkeena Soomaaliya maxaa dalku shirqool uga bixi waayey illaa markuu dalka soo galay isticmaarka oo markii dambe 5-meel uu isticmaarku u qeybsaday shirkii Berlin ee sanadkii 1884-tii? sababta loo qeybiyey waxay aheyd? waxaa loo arkayey dano dalka Soomaaliya laga lahaa oo welina maanta laga leeyahay ee xagga dhaqaalaha, siyasadda, bulshada iyo istaratiijiyadda, halka ay Soomaaliya juquraafi ahaan ku taal iyo cimilada wacan, labadi gobol ee Soomaaliyeed oo isticmaarku ka xoroobay sanadkii 1960-kii oo hadda laga joogo in ka badan 60-sano halkee ku dambeysay ummadda Soomaaliyeed? xaggee maanta ka joogta heerka dawladnimo? Maxay ahayeen waayaha ay soo martay 60-kaas sano? see tahay rajada mustaqbalka?.

Xoriyadda iyo wixii ka dambeeyay:- Nidaamkii la dhisay xoriyadda ka dib 1960-kii waxaa shacabka Soomaalida uu ku taamayey xoreynta gobolada maqan si loo mideeyo gobolada Soomaaliyeed ee hore isticmaarku u kala qeybiyey, waxaa durbadiiba bilowday dhaqdhaaqaqii gobonnimadoonka NFD, Soomaali galbeed iyo xeebaha Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysto, waxaa lagu guuleystay in xarakada gobannimada ee xeebta Soomaaliyeed ee Faransiisku gumeysto ee Front De Liberation De Cote Somalienne {FLCS} ay dalka ka xoreyso isticmaarka sanadkii 1977-dii dhalashadii Jumhuuriyadda Jabuuti, waxaa weli shacabka Soomaalida madaxooda ka guuxahaya sidii laga yeeli lahaa gobolada weli maqan, inkastoo meelaha qaar fekerkaas ay la yaab ku noqon karto oo is oran karaan see ku suuroobeysa dalka iyo dadka hadda u kala qeybsan imaraado gaaraya illaa boqol iyo Madaxweynayaashooda inay mardambe dib u kiciyaan feker ay ummaddu ku midowda magaca Soomaaliya.

Inqilaabkii ciidanka ee 21-ka Oktobar 1969-kii:- Inkastoo ay jireen galdaloolo badan haddana inqilaabka askarta ee 21-ka Oktobar sanadkii 1969-kii wuxuu horseeday in Soomaaliya ay heer sare ka gaarto xagga dib u dhiska dalka, soo celinta kalsoonida shacabka, hirgelinta mashariicda horumarinta guud ahaan ee xagga dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, dalka wuxuu si firfircoon uga qeybgalay sare u qaadista, si wax ku ool ah, diblumaasiyadda caalamka guud ahaan iyo tan Afrika iyo Carabta gaar ahaan, Soomaaliya waxay door lama ilabaan ah ka soo qaadatay xoreynta dalal badan oo Afrika ah sida Koonfur Afrika gaar ahaan markii sanadkii 1974-tii laga soo saaray caasimadda Soomaaliya bayaanka muqdisho {Mogadishu Declration} kaas oo ka codsanaya wadamada ku jira Ururka Midowga Afrika, haddase u xuubsiitay Midowga Afrika {MA} in wadamada maqan ee Afrika ee ku jira gacanta gumeysiga iyo midab tarkooka lagu doono qoriga caradidisa iyadoo la xasuusanyahay bayaankan kii ka horeeyay ee Lusaka Mnifesto oo wadamada Afrika ka codsanayey in wadamada ku jira gacanta midabtakoorka si nabad ah lagu baadi goobo oo xoriyad la siiyo, markii ay taas suuroobi-weysay waxaa la doorbiday in xoog wax lagu doono oo qoriga caraddiisa la maalo, sidaas waxaa berigaas ku dhawaaqay Cumar Carte Qaalib oo ahaa Wasiirkii arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo saraayadda Soomaaliya {Somali Diplomacy} ku tilmaamay tu adadag oo aan leexleex ku dhisneyn kula dhaqanka gumeysiga, wuxuuna Mr. Carte kolkaas ku sheegay siyasadda dibadda ee Soomaaliya inay la mid tahay xagga adeyga geedka Soomaalida u taqaano Galoolka.

Soomaaliya waxay hiil iyo hooba la garab joogsatay jabhadaha gobonnimadoonka Afrika sida Jabhada African National Congress {ANC} ee Koonfur Afrika oo hadda dalka u talisa, ururkii Xoreynta Afrika Koonfur Galbeed {South West Africa Peoples’ Organization SWAPO}, jabhada FRELIMO ee Mozambique, Jabhaddii xoreynta Angola ee Popular Movement for the Liberation of Angola {MPLA}, African Party of Independence of Guinea Bissau iyo Cape Verde Island ee PAIGC, Zimbabwe African Peoples Union {ZAPU} iyo ZAPU-PF ee Zimbabwe, FLCS ee Jabuuti, Eritrea Liberation Front, Eritrea People’s Liberation Front iyo Tigrean People’s Liberation Front {TPLF} ee dalka Itoobiya oo weliba afartan dambe ay madaxdoodu saldhig iyo martigelin ku lahayeen Muqdisho, waxaa kaloo Muqdisho xafiiska ku lahaa Jabahadda {PLO} ee reer Falastiin, qaarkood waxay ku safri jireen basaaboorka caalamiga ah ee Soomaaliya oo hadda noqday mid laga ordo.

Soomaaliya waxay xubin aad u firfircoon ka aheyd Guddiga xoreynta ee ururka Midowga Afrika {African Liberation Committee} oo xaruntiisu ku taal Daru-salaam, waxaa Guddiga la shaqeyn jiray sarakiil ciidamada Soomaaliya oo caan ahaa oo tababar siin jiray dagaalyahaniinta gobannimadoonka Afrikaanka ah oo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba tababaro ku siin-jiray, waxaa dalka Soomaaliya booqasho ku yimid iyagoo dagaalka dhumaaleysiga {Guerilla war} ka wada gudaha dalalkooda hogaamihii ururka ANC ee Koonfur Afrika ee geeriyooday Oliver Tambo mar uu Nelson Mandela ku xirna jasiiradda Robin Island ee ku taal magaalo marseedka Cape Town, magaalada Muqdisho waxaa si joogto uga socan jiray shirarka is daba joogga ah ee Afrika ee heer gobol iyo heer qaaradeed isugu jira iyo kuwo ay leeyihiin dhaqdhaaqaaqyada kale ee caalamka sida wadamada ay siyaasadoodu dhexdhexaadka tahay ee Non-Aligned Movement {NAM}, Muctamarka Islaamka {Organization of Islamic Conference}, iyo dhadhaqaaqyada ururkada dhalinyarada addunka, sidoo kale Muqdisho waxay aheyd xarunta shuclada iftiinka siisa kuna soo hirtaan xarakayooyinka gobannimadoonka Afrika oo suugaanleyda Soomaaliyeed ay u tiriyeen heeso taariikhda galay ee lagu geesigelinayey xoriyeynta Afrika laga xoreynayo midabtakoorka iyo isticmaarka nooc kasta uu yahayba, sida geesiga madow, midow gumeysi diida, hohey Afrikay huruday iwm.

Kama suuragelin karin wadan kale oo Afrikaan ah oo aan ka aheyn Soomaliya inuu 21-madfac u rido isla markaasna ku soo dhaweeyo katiifad ama roog casaan ah dhulka ugu goglo markuu garoonka diyaaradaha ee Muqdisho uu ka soo degay Guddoomiyihii geeriyooday ee Xisbiga African National Congress {ANC}, Oliver Tambo todobaatameeyadii, waxaa hogaamiyahaas lagu soo dhaweeyay heerka sare ee Madaxweynayaasha lagu maamuuso, Oliver Tambo Soomaaliya loogama arkeyn dagaalyahan gobannimadoon oo keli ah balse waxaa loo arkayey inuu yahay Madaxweyne dalka Afrikaan oo wadan xor ah ka soo jeeda, taas marnaba aysan raali ka noqoneynin nidaamyada midabtakoorka ee beriga Afrika gumeysan jiray iyo quwadaha taageera ee reer galbeedka, Muqdisho waxa shirarka Afrika ka sokow booqasho gaar ah ku imaan jiray ragga ay ka mid ahayeen Oliver Tambo-ga ANC ee Koonfur Afrika, Amilcar Cabral-ka Guinea-Bissau iyo Cape Verde Islands, Samora Michel ee Mozambique, Augustino Neto ee Angola, Joshua Nkomo iyo Robert Mugabe ee Zimbabwe ah, Sam Njuma ee Namibia, Joannes Savimbi iyo rag kale oo dhalinyaro ahaa oo Afrikaan ah waxbarasho u joogay dalka Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa lagu tababaray sarakiil ka tirsan ciidanka cirka ee dalka Burundi, waxay kaloo Muqdisho hoy u aheyd Madaxweynihii geeriyooday ee Burundi Micheal Micombero oo magangelyo siyaasadeed ku joogay Soomaaliya ka dib markii laga afgembiyey jagada Madaxweynaha sanadkii 1976-dii, wuxuuna ku geeriyooday isla Muqdisho bishii July sanadkii 1983-dii markuu wadnuhu is taagtay isagoo jira 43-sano, wuxuu arday ka ahaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed isagoo ka baranayey maadooyinka Sharciga iyo dhaqaalaha, dowladda Soomaalida waxay ugu yaboohday wadamada qaarkood markay xoriyadda qaateen kaalmo dhinac walba leh oo isugu jiray maadi iyo macnaawi, waxa kaloo si joogto ah booqasho shaqo ku imaan jiray Xogahyayaashii guud ee UMA oo hadda la baxay Midowga Afrika {AU} sida Nzo Ekengaki, William Eteki iyo Edem Kodjo, haddii aan kuwo ka soo qaado  Diblumaasiyiinta Soomaalida waxay gacan weyn ka geysan jireen qaabeynta iyo habeynta siiqadaha loo qorayo go’aanada ka soo baxayey shirarka Afrika heer kasta ay yihiin, sida la xusuusanyahay, Soomaaliya waxay wax ka dhistay ururka Midowga Afrika sanadkii 1963-dii iyo ururka wadamada ay siyaasadahooda dhexdhxaadka tahay ee NAM iyo urur gobolyeedo kale.

Xiriirka Soomaaliya iyo Carabta:- Sidaas si la’eg, bacdamaa ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ururka Jaamacadda Carabta waxay door weyn ka soo qaaday howlaha Ururka Jaamacadda dowladaha Carabta gaar ahaan qadiyadda Falastiin iyo tan dunida Islaamka guud ahaan, sida la xusuusanyahay Soomaaliya waxay horseeday in Afrika ay xiriirka u jarto Israa’iil sanadkii 1973-dii, shir ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ahaa shir heer Madaxweyne iyadoo go’aankaasi aasaas loo dhigay tacayadii lagula kaco dadka Carbeed ee Falastiin iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee wagaas dhexmaray Masar iyo Israa’iil, basaboorka Soomaaliya waxaa ku qoran inaan loogu safri karin Israa’iil, Koonfur Afrika iyo wixii beri loo yiqiinay Rhodesia oo Zaimbabwe maanta ah taas oo marag cad u aheyd sida aan marnaba raali looga noqon karin in la dulleysto qaar ka mid ah umadaha adduunka.

Soomaalia cidna ma necbana, laakinse sababta siyaddaaas loo qaatay waxay aheyd dalalkaas oo lagu dhibaateeyo laguna midab takooray dadyowga u dhashay ee isugu jiray Afrikaaanka iyo Carabta, ergada Soomaalida ee Qaramada Midoobay waxay miiska saartay qaraar jijimeynaya ama isku mid ka dhigayey midabtarkoorka iyo sahuuniyadda, qaraarkaas oo la mariyey kana mid noqday dukumentiyada rasmiga ah ee ururka adduunka, galaangal dheer ka dib qaraarkaas kol dhow ayaa la laalay, ergada Soomaalida ee ururada caalamiga ah iyo wufuuda intaba waxaa caalamka nabadda iyo xoriyadda jecel looga hayey sharaf iyo karaamo aan la soo koobi karin, laakinse waqtigaasi waxaa wadamada qaar ay u arkayeen inay Soomaaliya ku tahay qatar ku soo fool leh danaha reer galbeedka, gumeysiga, midab kala sooca, raasimaaliyada iyo imberliyadda caalamiga ah, Soomaaliya waxay qabatay xilka ugu sarreeya ee ururka Midowga Afrika oo ah kan Guddoonka oo labadii sano mar la qabto ka dib markii shirkii Madaxweynaha UMA lagu qabtay magaalada Muqdisho sanadkii 1974-tii, Soomaaliya waxa kaloo ay qabatay guddoonka shirka Madaxweynaha Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Dalka Soomaaliya oo taariikhdaas shariifka ah ku lahaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisa wuxuu ahaa dal loo istaago oo loo hayo xurmo iyo sharaf tan ugu sareysay ee dal la huwiyo, Soomaaliya waxay tusaale ay bidhaansadaan u noqotay qaaradda Afrika inteeda kale gaar ahaan kuwa jecel horu-socodka aadanaha, waxaan xusuustaa mar aan booqasho ku tagay bishii April ee sanadkii 1973-dii dalka Congo Brazzaville markaas oo uu dalkaasi ka talinayey Madaxweynihii geeriyooday ee Marienne Nguabi ayaa saraakiisha reer Koongo ee aan kula kulmay Brazzaville waxay iigu yiraahdeen dadka Soomaaliya waxay qaadeen tallaabooyin mucjiso ah marka lago eego dhismaha dalka, iyagoo kolkaas isticmaalayey kalimadda {Miracle}, waxay i weydiiyeen ma waxaa jira awoodo dheeraad {Super human oo dadkiina la shaqeeya mise wax kale, Soomaaliya laga yaabaye}.

Ridisitii nidaamnka askarta iyo burburkii ka dambeeyay ee dalka:- Inkastoo ay jireen qaldaad badan oo maamulka askarta ka dhacay oo dadka dhibaatooyin culculus loogu geystay, haddana iyadoo xalka Soomaaliya uu sidaas ahaa oo dalku cirka marayo ayaa markeliya Soomaaliya shafka loo dhigay oo dhulka lagu dhuftay bishii January 26-keedii sanadkii 1991-dii ka dib markii la riday nidaamkii askarta ee 21-sano dalka soo xukumayey, maxaa dhacay, illaa taariikhdaas illaa maanta dalka oo laga joogo 22-sano waxaa dalkeena Soomaaliya soo maray burburkii ugu ba’naa ee bani’aadam uu arko inta laga ogyahay taariikhda casriga ah, kaas oo weli dalku ka soo kaban, balse sii tiimbaday dagaal ka daran kuwii hore u soo maray Soomaaliya sida kii la magac baxay Xaraama Cune, Nus qiyaamo, Meyd qooqan iyo kuwo kale.

Jabhadihii afgembiga riday waxay ku guulaysan waayeen inay abuuraan maamul hanan kara hogaaminta dalka oo sii ambaqaadi kara horumarkii dalka hore ugu soo tallaabsaday waqtiyadii la soo dhaafay, waxaae nasiib darro dhacday taas caksigeed oo uusan marnaba ogolaan karin caqliga fayow ee dadka Eebe siiyey.

Dhaxalka dagaalada weli ka sii socda Soomaaliya:- labo iyo labaatan sano ayaa ummadu isku riiqatay oo iska daa’disay dhiig sookeeye iyo burburinta hanti nool iyo moodba leh, waxaa salka loo rujiyey mashariicdii horumarineed ee caasimadda Soomaaliya Muqdisho laga hirgeliyey muddo qiyaastii ku dhow illaa 100-sano oo ay ku baxday balaayiin dollar, waxaana dhinaca kale baahi iyo xabad loo dilay kumaan kun oo Soomaali ah, kuwo kalena waxay u qaxeen dibadaha iyo qaar kale oo ku barakacay dalka gudihiisa, illaa hadda aan qorayo maqaalkan, dhibaatooyinkaas dalka weli way ka sii socodaan, iyadoo ay weliba taas garab taal jahawareer siyasadeed oo aan dhamaaneyn, waxaa maalin kasta laga maqla dadka Soomaaliya ku nool iyo kuwa qaxay intaba warar ku lug leh dil, qoorgoyn sida xoolaha dadka loo gowraco, meydka oo aan la aasin xurmo, argagax joogto ah, burcad dadka dhacda oo dumarka ku kufsada xerooyinka barakacayaasha iyo kuwo dhaca cuntada loogu talagalay in la siiyo masaakiinta iyo dhaqano xun oo diinta Islaamka haba yaratee shaqo ku laheyn.

Waxaa la isku dayey in la dhiso maamul iyadoo la qabtay shirar ku dhow illaa 20-shir oo wax ka soo naasa cadaadi aysan jirin, balse sida kale wuxuu dalku sii muquuray halaagba kan ka sii daran illaa aadanaha dhamigii uu la yaabay dhaqanka xun Soomaalida oo wax la garab la dhigo oo la masa illaa hadda la la’yahay, iyadoo uusan jirin cid ka jawaabi karta, waxaa dadyowga kale ee adduunyada ay Soomaalida weydiiyaan marka ay la kulmaan su’aasha ah “War maxaa isku heysaan oo aad isu dileysaan illaa muddo ka badan 20-sano, bal adba su’shaas jawaabtaas qof Soomaali ah oo soo qaban kara ma jiro, haddii looga jeedo waxaa la isku heysta inuu yahay kursiga iyo hogaaminta sare ee dalka, wuxuuse kursigu u baahanyahay in qofka qabanaya oo calafka uu u galay inay dadka soo doortaan bacdaamaa shacabka Soomaaliyeed ay iyagu leeyihiin awoodda ugu sareysa awoodaha jira ee ah gobannimada {Sovereign powers}, dhinaca kale haddii ay dhaqaale tahay, dalka waxa yaala ee hanti ah inta muuqata iyo intaan muuqan ee dhulka iyo badda hoostooda ku jira waa nagu filantahay, wayna naga badanyihiin.

Markii la ogaaday inta Soomalidu ay caqli ahaan qodontahay, waxaa dalka u soo basanbasooday oo uu soo hanqal taagay cadaawaha soo jireenka ahaa ee Soomaaliyeed oo hore ciil gaamuray ugu qabay, iyagoo sita qalabka dagaalka oo nooc walba leh iyo diyaaradaha dagaalka wax duqeeya, cadowga Soomaaliyeed wuxuu qaatay fekerka ah in mardambe Soomaali aaney hantaauro iyo qatar midna ku noqon danaha isticmaarka nooca cusub iyo kan duugaba, waxaana isticmaarka kiisa cad iyo kiisa madow uu goostay in Soomaaliya boolbool loo kala dhilqiyo oo loo kala furfuro, iyadoo la adeegsanaya qabiyaaladda iyo faragelin dahsoon amasaba toos ah {Covert and overt}, sababta ay Soomaalida hadimadaasi ku gaareyso waxaa ugu weyn maxaa u kaalmeysaan qadiyadaha xaqqa ee dayowga ku dulman adduunka ee xoriyadda iyo madaxbannanida?, taallabada xaasidnimada ku dhisan ee Soomaaliya lagula kacay waxaa asaas u ahaa dagaal-oogayaasha shacabka u diiday inay dowlad dhistaan iyo siyaasiyiinta aan qaangaarka aheyn, laakiinse hunguri qaaday, markii ay soo rogeen inay wax ku qeybsadaan nidaamka 4.5-ka oo ah dulmi uu galo bani’aadkan kii ugu xuma iyadoo nidaamka lala tagay magaalada Carta ee dalka Jabuuti sanadkii 2000.

Weerarka dalka lagu soo qaaday iyo ujeedooyinka ka dambeeya:- Dadka Soomaaliyeed waxaan u sheegaya in dalkeenu uu maanta yaalo meeshii uu cadaawuhu la rabay inuu ku dhaco, waa shirqoolkaas cadaawuhu ku taamayey illaa muddo boqolaal sano ee la soo dhaafay, weerarka dalka lagu soo qaaday oo la leeyahay waxaa lagu taageeraya dowladda iyo joojinta la hadal hayo ee xawaaladaha dhaqaalaha u soo dira Soomaaliya waxay yimadeen waqti shacabku la taakdaranyahay baahi, silic, cudurro, abaaro soo noqnoqda, macluul, dagaalo sokeeye oo lagu hoobto, barakac iyo saboolnimo baahsan iyo daal shacabku qabo, waxaa dagaalka shacabka loo adeegsanayaa hub nooc kasta leh iyo duqeynta diyaraadaha dagaalka oo lala beegsanyo meelo ay degenyihiin dadka ray’dika ah iyo xeerooyinka barakacayaasha.

Soomaalida markii muddo ka badan 20-sano ay isku jabtay oo ay isku dhamaatay waxaa hadda cadowgu isu soo baaheystay inuu isa sii raaciyo, si dhib yar, inta yar ee hambada ah ee ka hartay, dagaalka ma ahin mid si sahal ah ku dhammanaya waana sii socon doona isagoo qeyb ka ah si wadista dagaalki soo bilowday snadkii 1991-dii, iyadoo taas marmarsiinyo looga dhigayo la dagaalanka kooxda Al-shabaab oo lagu shaabadeeyay inay qeyb ka tahay waxa loogu yeero argagixisada caalamka, ujeedada cadaawuhu ka leeyahay waxay tahay inuu sii wado dagaalkan oo ah nooca loo yaqaan silic dilka {War of attrition} oo lagu leynayo shacabka Soomaaliyeed, taas waxaa markhaati ma doonto ka dhigeysa taliyaha ciidanka Kenya oo hadda ku dhawaaqay in howlgalka ay ciidamada Kenya ku galeen Soomaaliya uu soo afjarmi doono marka qof kasta oo Kenyaan ah uu dareemo inaysan qatar uga imaaneyn dhinaca Al-shabaab, taas macnaheedu waxa weeye in shacabka Soomaalida lagu garaaco diyaaradaha dagaalka Kenya oo weligeed aysan la gelin dagaal ka fool ka fool ah cid kale illaa ay xorriyadda qaateen sanadkii 1963-dii, ciidanka Kenya dagaalka waa u tababar dalxiis ah shacabka Soomaalida lagu xasuuqayo oo dhiigooda la baneystay, taas waxaa markhaati u ah markuu weerarka cirku dhaco ayaa waxaa la yiraahdaa waa la baaraya sababta iyo khasaaraha dhacay {SubxaanaAllaah}.

Tan labaadna waxay tahay ciidanka lagu sheego AMISOM oo ka dhex dagaalama gudaha magaalada Muqdisho oo weerar iyo weerar celinta ay maalin walba si joogta ah ugu dhintaan boqolaal Soomaali ah oo sacbooley ah, waa xasuuq lagu baneystay in shacabka Soomaalida lagu laayo iyadoo ilaalinta dowladda ay tahay mid boor isku qarin ah, dagaalka waa qandaraas la rabo in marka hore lagu shuf beelinayo shacabka masakiinta ah ee Soomaaliyeed, marka xigana in dadka dalka lagaga saaro, taas oo calaama u ah in dalka gebi ahaanba lagala wareego gacanta Soomaalida, dad qaxaya ma jirto cid u kaalmeynaysa, iyadoo laga cabir qaadanayo waxa hadda ka dhacaya xeryooyinka qaxootiga ee kuwa gudaha ku barakacay iyo dibadaha u qaxay labadaba.

Sharciyadda weeraraka:- Kaba soo qaad haddiiba ay howshan faragelinta ah ay dhamaato, Soomaaliya maxay ku dambeyn doontaa oo arag nooc ma ah bey yeelaneysaa bacdamaa uusan jirin heshiis sharciyeysan ee ka dhaxeeya Soomaalida iyo kuwa lagu sheego inay Soomaalida la bahyihiin?.

Magacyada yasidda ah ee soomaaliya loo bixiyey:- Waxaa Soomaalida loo arkay inay noqotay laf dhuunta u gashay adduunka intiisa kale, iyadoo haddana lagu shaabadeeyay Soomaaliya sifo kasta oo xun ee dad lagu sifeeyo marka laga soo bilaabo lixdameeyadii oo lagu magacaabay qabrigii mucaawimada shisheeyaha, shifta, the sick man of Africa, the Bad Boy oo illaa maanta oo naloo yaqaan burcad, argagixiso iyo waxa lagu magacaabo qaranjabay, dumay, kacay, gaabiyey iwm, maanta ma jirto waxaa beri hore loo yiqiin “Wisaaya” ama “Trustsheep”, taas oo ah in wadan ka gaabshay inuu iskiis isu maamulo loo awoodsiiyo dalkaasi inuu lugihiisa ku istaago, iyadoo quwad shisheeye ay howshaas u diyaarinayso oo muddo mucayan ah oo la ogyahay oo maamul wacan lagu barayo, sida hadda ka horba dhacday markii uu jiray nidaamkii wisaayadda ee Talyaaniga ee sanadkii 1950-kii illaa sanadkii 1960-kii {Amministrazione Fiduciario Italiano per la Somalia 1950– 960}, waxaa hadda nagu socda ma ahin weerar oo keli ah ee waa qabsasho dalka la qabsanayo Eeba ayaan taas ka magangalnay!!!

The current military three-pronged offensive against Somalia is not only attack but capture. But this wouldn’t happen as the Somali people’s unity will resurface again and repulse the multifaceted attacks unleashed against Somalia, InshaAllah, inkastoo amarka Eebe uu meeshiisa yaalo, haddana ma jirto mana muuqaneyso cid Soomaalida ka kaalmeysa shirqoolkaasi, waayo waxaa dadka ku dhaqan Soomaali loo aqoonsaday inay noqdeen dad doorsoomay oo aan laheyn caqli ku filan oo ay ku xisaabtamaan oo weli ay aaminsanyihiin qurafaadka qabiyaaladda waqti  adduunku u baryey waa cusub oo ah bilowga qarniga 21-aad iyo kun-sanaadka-seddexaad {The third millennium} oo wadamada dunida ay qorsheynayaan inay ku tallaabsadaan horumar dhinac walba ah iyadoo hadda laga fekerayo sidii mugdiga looga soo saaro tamar waxaa loo yaqaan {Dark Energy} ee hawada sare lagu sheegay in laga helo.

Burcad badeeda iyo sunta Badda lagu shubo:- Soomaalidu waxaa lagu eedeeyaa inay tahay burcad badeed ka qowleysta badaha caalamka oo afduubta maraakiibta badaha gooshaya, taas oo Qaramada Midoobay ay si joogto ah ugu cambaareyso Soomaaliya haddana waxaa dhinaca kale la xalaaleystay in kheyraadka badaheena oo nooc kasta ah maalin kasta la dhaco oo lala baxo, waxaa xeebaheena loo soo daabulay qashinka warshadaha wadamada hore u maray iyo haraaga nuklearka oo shucaaciisa dad badani ay u geeriyoodeen qaar kalena uu asiibay cuduro aan dawo laheyn sida kaansarka oo kale, waxaa dalka ku dhashay ilmo aan qaab laheyn iyo kuwo aan laheyn meel ay ka saxaroodaan ama ka kaadshaan iyo kuwo malaasan oo aan laheyn xubnaha taranka, shuucacu wuxuu ku milmay hawada sidaasina waxaa dhawaac ku gaaray dalagga beeraha ka soo baxa, dhogorta xoolaha oo dhalan rogantay, iyadoo meelaha xeebaha qaarkood laga soo sheegay inay dadka u dhimanayaan xanuuno u badan xagga neef mareenka, isla markaasna ay meelahaasi si xisaab la’aan ah ugu soo caariyeen noolaha badda oo nooc walba leh.

Maraakiibta sumeysan, {Navi dei Veleni}:- Waxaa kaloo badaheena loo soo safriyey maraakiibta nooca loo yaqaan Navi dei veleni, poisnous ships oo macnahoodu yahay marakiibta sumeysan, kuwaas oo ay ku raranyihiin kumaankun tan oo sunta warshadaha iyo haraaga nukliyeerka oo si kas ah oo ogaal ah maraakiibtaasi loogu dejiyo oo lagu quusiyo badweynta, iyadoo loo muujinayo inuu markabka sunta sida uu si shil ah ku degay, dadka la socda shaqadaas foosha xun waxay ku eedeeyaan burcadda sidaas ku shaqeystaa inay laba jeer ka macaashaan mashruucaasi silloon, marka koowaad waxay dhaqaale ka qaataan hay’adaha ceymiya maraakiibta xamuulka qaada, iyagoo si been ah ugu sheega in markabka iyo rarkii saarnaa ay labadaba isla degeen iyo qodobka labaad oo ah iyadoo ujuro ka qaata cidda iska soo fogeysay suntan, waxaa loo ekaysiiyaa inay maraakiibtaasi rarka sarnaa uu ahaa badeeco caadi ah oo ganacsi loogu tala galay, tuugeysiga kheyraadkeena iyo qashinka sumeysan cid illaa hadda cambareysay ma jirto Qaramada Midoobay iyo cid kaleba toona, taas bedelkeeda waxaa la cambaareeyaa dadka Soomaaliyeed oo lagu tilmaamo burcad badeed iyo argagixiso.

Meelo badan oo aan aniga shakhsiyan arrintan u bandhigay si wax looga qabto waxaa qiil leyga dhigay ma jiro caddeyn rasmi ah oo si cilmi ah {Scientific proof}u tilmaameysa in badda Soomaaliya sun lagu shubay, waxay hay’adahaasi ku andacoodaan inaan la isku haleyn karin wararka warbaahinta arrintaasi ka soo qorto, warbixinti ugu dambeysay ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu u gudbiyay Golaha Amaanka wuxuu ku sheegay inaan illaa iyo hadda aan la heyn caddeymo la isku haleyn karo, fiiri UN Security Council Resolution no. S/2011/661 of 25 October. 2011-ka on the protection of Somali natural resources and waters.

Baaxadda dhibaatada dadka diinta sheeganaya ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed waa waxaan la qiyaasi karin marka loo fiiriyo wixii tacadi iyo dhibaato ahaa ee shacabka soo gaaray 20-kii sano ee hore ee la soo dhaafay oo ay kooxihi qabqablayaashu dagaalka ay u geysteen shacabka, intii ka dambeysay sanadkii 2005-tii waxaa shacabka la geliyey isticmaar kii ugu xumaa iyo nolol ku dhisan argagax iyo cabsi aan taariikhda Soomaaliya hore loogu arag oo isugu jiray dil, madax jebin, qoor goyn iyo meydka oo lagu gubo banaananka ama jirka dadka oo kala dhiman banaanka lagu tuuro iyo qubuuro wadareed, waxaa falkaasi loo maray iyadoo la sheeganayo magaca diinta, weli Soomaaliya laguma arag dad is-qarxinaya, hore looma arag goobaha cibaadada oo dadku ka cibaadeystaan in laga cabsado, weli lama arag dad islaam ah oo si sahal ah lagu gaaleysiinayo iyadoo la daliishanayo aayadaha Qur’aanka kariimka ah, qolo waxay leedahay waa murtad, qolo kale waxay leedahay waa Khawaarij, yaan raacnaa waa yaabe!!, waxaa Eebe uu Kitaabkiisa Kariimka ah uga digayaa meelo badan qofka ku been abuurta, isla markaasna macnaha aayadaha Qur’aanka u adeegsada si ka duwan sidii loo soo dejiyey, fiiri Aayadda 40-aaad ee suuratul Fuslad, Juska 24-aad, Jalaadka Arbaco, fiiri ayaadda 7-aad ee Suuratul Al-Saf {Lima Taquuluun}, Juska 28-aad, Jalaadka Khamiis, dowladaha cadowga ku ah Soomaaliya iyagoo marmarsiiyo ka dhiganaya Al-shabaab iyo Al-qaacida ayey weerar ku soo qaadeen Soomaaliya, isla markaasna ay qatar iyo qilqiil gasho gobannimada iyo madaxbannanida Soomaaliya.

Khilaafka Culimada:- Waxaa khilaaf aan hore loo maqal uu dhexmaray culimada kuwo diidan, kuwaas oo isku maandhaafay qaabka ay Al-shabaab u shaqeeyaan, culimadaas qaarkood shaqada Al-shabaab waxay ku tilmaameen in tahay wax ka soo horjeeda diinta Islaamka, waa sida ay iaygu aaminsayihiine, Culimo kale oo u hadashay Al-shabaab ayaa iyaguna waxay sheeganayaan inay dhulka ay hadda ka taliyaan ay ku soo rogeen ku dhaqanka shareecada Islaamka oo dadka ay u horseedeen bashbash iyo baraare, waxaa jira xadiis Nabi Maxamed {SWCW} uu ku leeyahay “Haddii meel hal maalin looga dhaqmo kitaabka Alle iyo diinta Islaamka waxaa laga helaa meeshaasi nimcada la helo meel uu ku da’ay roob 40-casho”, culimadu waxay isu adeegsadeen erayo aan ku habooneyn diinta, iyadoo qaar lagu tilmaamay inay yihiin wadaad xume ama culamaa’u suu, qaarka kalena lagu eedaynayo inay khawaarij yihiin, taas oo dhaawac weyn ka soo gaaray shacabka Soomaalida, waayo diinta waxaa qof kasta oo oo Soomaalia uu ku dhaqamo wuxuu heystay inuu ku badbaadayo isaga dhigiisa, cirzigiisa, diintiisa iyo maalkiisa.

Dhibta is biirsaday:- Khilaafka soo dhexgalay dadka culimaa’udiinka ah, dadka ka horjeeda waxay keentay jahwareer xoogan, jahawareerka ragaadiyey maamulada soo maray dalka min Carta, Jabuuti sanadkii 2000 illaa Jabuuti sanadkii 2009-kii oo lagu soo dhisay maamulka KMG ahaa, dhaca loo geystay kheyraadka Soomaalia ee badda iyo berigaba leh, dhibaatooyinka laga dhaxlay dagaal-ogayaashii tan iyo sanadihii 1991-kii illaa 2000-kun, dhibaatooyinka la soo darsay dadka u qaxay dibadaha iyo barakacyaasha gudaha, hantida la lunsaday, musuqmaasaqa iyo maamul xumida, abaaraha soo noqnoqday oo macluusha keenay iyo xanuunada la dhaxlay suntan lagu  shubay badaheena, dhaqanka gurracan ee beesha caalamka kula dhaqanto xallinta mushkiladda  Soomaaliya iyo kala go’ynta dalka iyo maamul goboleedyada, dagaalada sokeeye ee dhiigga badan ku daatay iyo qashiinnimada qabiyaaladda dadka Soomaaliyeed, waxyabaashaas aan soo sheegnay dhammaantood waxay kuu muujinyaan su’aasha ah: Maxaa laga fili karaa shacabka Soomaalida inuu ku dambeeyo, Ilaahay hanaga badbaadiyo waa xaalad qatar ah.

Haddii aan haatan wax laga qaban way adkaan doontaa markasta oo uu waqtigu sii fogaado inay aafado noqon doonto mid joogto ah oo dalkeena ka dhigi doonto lama-degaan, isla markaasna la dhihi doono meeshan beri baa waxaa ku noolaa jiray ama deganaa jiray dad Soomaali loo yaqiinay, barnaamijkaasi waxaa muuqata inuu hadda nagu dulsocda oo innagu ananba ogeyn, waxaa kaloo ka sii daran qorshaha Soomaaliya lala damacsanyahay oo la rabo in lagu sii halakeeyo kaas oo ah dagaal nooc kasta ah oo ay ugu soo horeyso dagaal xagga biyaha berriga, sii burburinta kaabayaasha dhaqaalaha sida Beeraha, Warshadaha yaryar, Kalluumeysiga oo dhamaantood hore loo wax yeeleeyay, sii socoshada silcinta Soomaalida qaxootiga lagu silcinayo wadamada ay magangelyada ku joogaan, tusaale dilka lagu hayo dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dibadaha, aqlaaqiyaadka oo looga ciyaaro dhalinyarada rag iyo haween labadaba, qaxootiyada oo lagu soo rogo nidaamyo cusub oo ay xallintooda ka bixin karin, xanibaadda isu keenka reeraraha kala maqan iyadoo ay garab taal ilmaha oo lala wareego oo weliba waalidiyiinta loo diido inay soo booqan karan, xanuunka maskaxda oo badanaba ka yimaada isticmaalka maandooriyaha iyo xanuunka waqtiga qaboobaha waxaa loo yaqaan {Winter Blue}, imaarado yaryar oo dalka loo kala qeybiyo sida haddaba socota, fiiri maamul gobolyeeda maalin kasta lagu dhawaaqayo, dalka oo laga go’doomiyo xagga diblumaasiyadda Afrika iyo adduunka intiisa kale, iyadoo hubka wax gumaado Soomaalida la isugu dhiibo oo qabiil-qabiil isku leyno, sidaasina magaca Soomaaliyeed lagu wiiqo, intaas oo dhanse Eebaan ka magan galnay.

Waxaa jirta maahmaah Carbeed oo oraneysa “Jaahilka naftiisa intuu ka bi’iyo xittaa cadawgiisa kama bi’iyo” taas waxay daliil u tahay inaan nafteena bi’inay haddii aynu Soomaali nahay, Ilaaha abuurtay mooyee cid maanta Soomaali ixsaan u heysaa ma jirto, waxaa marka la gudboon Soomaalida inay heshiiso oo Eebana talo saarato oo Kibtaakiisa ku midowdo oo si toosan ugu dhaqato iyadoo culimada hadda kala qeybsan ay si hoose u fiiriyaan qatarta dalka ku soo fool amaseba uu ku jiro, Soomaalida haddii ay heshiiso waxay iska celin kartaa cid kasta oo dalka soo hunguriyeysa sidii hore u dhacday.

Bal dib u qooraanso taariikhda dhow ee Soomaalida:- Waad xusuusataan in Jabhada USC-da la oran-jiray ay si wadajir ku tuurtay maamulkii askarta sanadkii 1991-dii, inkastoo ay jireen tacadiyo badan oo dadka la gaarsiiyey berigaas, isla USC-da markii ay isku guryo noqotay oo dagaal lagu hoobtay dhexmaray, waa tii dalku ka bilaabatay in imaarado loo kale qeybiyo ka dibna uu dalku sii galay dagaalo jufujufo hooseysa oo ay dad badani ku hoobteen, sidoo kale waad xusuusataan markii magaca Midowga Maxkamadaha Islaamiga lagu mideysnaa in loo baabaca dhigay cadawga, waxaan hadda joognaa in magacyo aan isu bixino anagoo isu soo daliishanayna aayado Qur’aanka Kariimka ah inaan kala irdhownay oo duulaan caskari ah iyo mid diblumasiyadeed jaha kasta nalooga soo qaaday oo illaa haddana nalagu hayo, kasoo Soomaalidu ay hore u baahjin-weyday inuu dhaco, tolow dhageysta waa link kan oo ku saabsan gobolo laga soo dhaweeyay imaatinka ciidamada shisheeyaha gelista ay Soomaaliya soo galeen sida Bay, Bakool iyo Gedo, sababta keentay inay dadkaasi tallaabadan soo dhaweynta ciidanka shisheeye qaadan waxaa ka awal ahaa xanuunka dadka gobolada ku dhaqan la marsiiyey taas oo keentay inay maanta magansadaan duulaan shisheeye, sidaas darteedna  waxay qaateen murtida gabay uu hadda ka hor tiriyay Cali Jaamaca Habiil oo aheyd sidan “Muslinimo nimaan kuugu dhaqeyn iyo muminimo qaas ah gaal maxasta kuu dhowro oo magansata dhaama”.

WAXAA QORAY:- C/QAADIR MAXAMUUD WAAAYO

Leave a Reply