|

Kabo laga sameeyay Bastoolado iyo xayawaanno kala duwan oo lasoo saaray (Daawo sawirrada)

Haweeney lagu magacaabo Iris-Schieferstein oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa dhowaan soo saartay kabbooyin la yaab leh oo ay ka samaysay bastoolado iyo xayawaanno.




Haweeneydaas oo da’deedu tahay 45 sano jir ayaa waxay soo saartay dhowr joog oo kabo ah oo ka sameysan qolofyo xayawaano iyo bastoolado, sida aad ku arki doontaan sawirrada hoos ku nashqadeysan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo laga sameeyay shimbiro, masas, lugaha fardaha, bastoolado iyo waxyaalo kale oo badan, kuwaasoo dumar badan aad u soo jiitay kabo.

Haweeneydan ayaa mar ay u waramaysay saxaafadda waxa ay sheegtay in ay qalabka kala duwan ay ka sameysay kabaha gaar ahaan xayawaanno kol hore dhitay oo sida ay sheegtay ka soo aruurisay waddooyinka dalka Jarmalka iyo bastoolado aan rasaas wadan, sida ay tiri.

Waxa ay haweeneydani sheegtay in halkii xayawaan ay soo hesho ay hal sitimaan ay ku qaadato in ay lafaha iyo hilbaha ka bixiso si ay kabo uga sameyso.

Waxa kale oo ay sheegtay in sameynta kabaha ay tahay shaqo aad u fool xun, waayo ayay tiri  xayawaan dhintay ayaad hilibkiisa gacanta la  galaysaa oo aad farsamaynaysaa, taasna ilama qurxoona laakiin waxay noqotay howshayda ayay tiri, iyadoo dhanka kalena muujinaysa in ay soo saarto kabo noocan oo kale ah oo mucjiso loo arki karo.

 

Kabahan ayaa haatan waxaa si aad ah u iibsada dumarka Aktariinta ah ee jila fillimada iyo hablaha heesa weliba kuwooda caanka ah oo ay ka mid tahay Lady Gaga oo horey ugu sameysay dhowr joog oo kabo ah.

Qarashka ku kaco halki joog ayaa ah lacag dhan $5,500, waxaana la sheegay in lacag fiican ay ka kasbatay, iyadoo xustay inay sii wadayso howshaas oo ay dalabaad badan u heysato.

Inkastoo dowladda Jarmalka ay horey ugu digtay haweeneyda Iris lana faray in ay joojiso xayaawannada ay xuquuqdooda ku tumanayso, loona sheegay inay wajihi doonto xabsi ayaa haddana weli howsheeda sii wadata iyadoo howsha kabo samaynta ku guda jirtay muddo 12 sano ah ayna ka heshay dhaqaale aad u fara badan.

W/D: Caaqil  Dalmar

Leave a Reply