|

MAXAAD KA TAQAANAA MAGACYADA IYO XILAKII AY HAYEEN 25-KII NIN EE XUKUMAYEY DOWLADDII KACAANKA?!!

Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed ee uu hogaaminayey Jaalle Maxamad Siyaad Barre wuxuu ka koobnaa 25-xubnood oo uu Guddoomiye u ahaa Maxamad Siyaad Barre, waxayna kala ahayeen, kuwaas oo siyaabo kala duwan markii dambe qaarkood loo dilay, inkastoo markii dambe 25-kii nin ee golaha sare la baabi’iyey lagana dhigay 5-ta golaha sare ee Kacaanka, waxayna magacyadooda iyo darajooyinkooda ay kala yihiin 25-kaasi nin sida tan:-

Gen. Maxamed Siyaad Barre (Militeri), Gen. Jaamac Cali Qorsheel (Boolis), Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Militeri), General Xuseen Kulmiye Afrax (Boolis), Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Militeri), Gen. Maxamed Cali Samatar (Militeri), Gen. Cabdalla Maxamed Faadhil (Militeri), Cali Mataan Xaashi (Militeri), Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis), Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis), Col. Ismaaciil Cali Abokar (Militeri), Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Militeri), Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis), Col. Maxamed Cali Shire (Militeri), Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Militeri), Col. Faarax Waceys Duule (Militeri), Col. Axmed Maxamuud Faarax (Militeri), Col. Axmed Xasan Muuse (Militeri), Col. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Militeri), Col. Bashiir Yusuf Cilmi (Militeri), Col. Cadulqaadir Xaaji Maxamed (Militeri), Col. Maxamed Cumar Jees (Militeri), Col. Cusmaan Maxamed Jeelle (Militeri), Col. Muuse Rabiile Good (Militeri) iyo Cabdi Warsame Isaaq oo isna ahaa Milateri.

Golaha kicinta iyo abaabulka oo uu madax u ahaa Cumar Xaaji Masalle, waxayna sameyn jiree oo diyaari jireen ololaha fantasiyada bisha October, wuxuuna socon jiray illaa iyo Septembar, wasaarada warfaafinta ayaana qeyb ka qaadan jirtay abaabulidda iyo wacyigelinta bulshada, iyadoo Raadiyo Muqdisho laga sii deyn jiray barnaamijyo ka hallaya waxqabadka Kacaanka iyo heeso baraarujin ah sida Oktoobar waa tee waa tuma waa taayadii, Ayaamaha Ilaahay qaar baa asteysane ubadkuna, Oktoobareey adaa lahaa, bisheebaan libtii haleelnay, nabbee nooma talin, noloow noloow Siyaad noloow, hanuunshaha dadkoow, wadnihii dalkoow Siyaad iyo kuwo kale.

17-ka October waxaa la mari jiray tijaabada koowaad 19-kana tan labaad oo aheyd tan ugu fiican ee la daawado, halka 21-kana ay aheyd gunaanadka xuska ee uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee Macalinkii Kacaanka Maxamad Siyaad Barre oo sidaan filayo ay taariiqda xustayba, xilligii talada laga tuuray ayaa waxaa soo baxay dar-daarankiisii lagu xaman jiray ee ahaa aniga dad leyga dhaxli maayo laakiin dal ayaa leyga dhaxlayaa.

Bishu markay ku beegantahay 21-ka October waxaa xiiso lahaa markii kooxaha Baambeyda Booliska, Xoogga dalka iyo Asluubta ay joojiyaan garaacista muusiga gaardiska oo ay soo bilowdaan gaardigii ciidamadda qalabka siday oo wata dabaabadkooda, halka hawada ay dhoola tus  ku sameyn jireen diyaaradaha dagaalka ee ciidankii cirka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in marka ay marayaan kumaandooskii meleteriga oo dhawaaq xoogan ku muujinayey cududooda taas oo cabsi iyo qalqal gelin jirtay cadowga Soomaaliuyeed ee maanta dalka dhexfadhiya, habeenimada maalinta 21-ka October waxaa Golihii Murtida iyo madadaaladda ee Tiyaatarka lagu qaban jiray bandhig faneed xiiso leh oo ay soo bandhigayeen hoboladii qaranka iyo bandhig faneed ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ah.

Maxaa laga xusuustaa Taariikh nololeedkii Maxamad Siyaad Barre:- Meesha saxda ah ee uu ku dhshay iyo waqtigaba lama hubo, hase yeeshee waxaa loo badiyaa inuu ku dhashay degmada Garbaharrey iyo degmooyinka iyo gobolada kale ee ku xeeran ee xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya, hase yeshee waxaa la qiyaasaa in Maxamad Siyaad Barre uu dhashay intii u dhexaysa sanadihii 1918-kii iyo 1920-kii, Maxamad Siyaad Barre wuxuu ahaa curadkii Siyaad Barre oo lagu dilay agga Ceel Miriq oo ku dhow magaalada Dhuusa-mareeb, qiyaastii sanadkii 1930-kii, Maxamd Siyaad Barre hooyadiis oo la oran jiray Shaqlan Warfaa waxay geeriyootay sanadkii 1928-dii, Maxamed Siyaad Barre waxaa koriimadiisa la wareegay adeerkiis Xirsi Barre oo isna la dilay sanadkii 1933-dii, M. Siyaad Barre wuxuu isagoo 17-sano jir ah ka soo tagay miyiga Dhuusa-mareeb, wuxuuna yimid magaalada B/weyne oo loo qaatay inuu ka mid noqdo ciidamadii Talyaaniga ee loo yaqiin Duubcadka.

Jaalle Maxamad Siyaad Barre wuxuu Miyiga ku guursaday xaaskiisii ugu horeysay oo la oran jiray Faadumo Aw-Muuse, wuxuu magaalada Muqdishow yimid sanadkii 1941-dii markii Talyaanigu Ingiriiska ay kala wareegeen koonfurta Soomaliya, wuxuuna isla sanadkaasi ku biiray ciidamadii dalka ee hoos tagayey Ingiriiska, wuxuuna helay dalacsiino kala duwan, isagoo sanadkii 1941-dii helay Alifle, sanadkii 1944-tii wuxuu helay labo-alifle sanadkii 1952-dii waxbarasho buu u aaday dalka Talyaaniga, sanadkii 1954-tii wuxuu noqday Xiddigle, sanadkii 1955-tii wuxuu qaatay Xiddigtii labaad, sanadkii 1957-dii wuxuu noqday Dhamme, sanadkii 1958-dii wuxuu u dalacay Gaashaanlle, wuxuuna madax ka noqday xaafiiska sirta ee Booliska.

Sanadkii 1960-kii wuxuu Taliye ku xigeen ka noqday ciidamadii la asaasay ee xogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna Taliyihii ciidamada xogga dalka Soomaaliyeed uu noqday sanadkii 1965-tii ka dib markii uu geeriyooday Taliyihii ciidanka xogga dalka Soomaaliyeed Genaral Daa’uud Cabdulle Xirsi.

Maxamad Siyaad Barre wuxuu xukuna dalka Soomaaliya la waregay sanadkii 1969-kii, wuxuuna xakumayey dalka illaa iyo sanadkii 1991-kii, markaas oo ay talada ka tureen jabhado hubeysan oo aan la garaneyn illaa iyo hadda waxa ay aheyd ujeedkoodu, wuxuuna  Alla ha u naxariistee Maxamed Siyaad barre ku geeriyooday 2-dii bishii Janaury ee sanadkii 1995-tii magaalada Leegoos ee caasimadda dalka Nayjeeriya, waxaana lagu aasay oo meydkiisa loo soo duuliyey gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Garbahaareey oo uu ku dhashay.

Maxamad Siyaad Barre waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa geesi wadani ah oo geeriyooday isagoo wax hanti ah oo ummaddu ay leedahay uusan meel dhigan, lagana dhaxlin taas oo muujineysa in Jaalle Siyaad uu ahaa Madaxweyne daacad ah, Maxamad Siyaad Barre dadkii aad u yaqiinay ama la soo shaqeeyay waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin u naxariista dadka ay isla shaqeeyaan ama uu u fahmo wadaniyiin, wuxuuna si naxariis darro ah ula dhaqmi jiray kana takhalusi jiray cidkasta oo soo haweysata kursigiisa, warna gelisa jiritaanka Soomaaliya, wixii ka dambeeyay dhicitaankii dowladdii kacaanku waxa uu dalku galay jahwareer iyo fowdo ay dabada ka riixayaan dowladaha deriska iyo dowladaha waa weyn sida Mareykanka oo aan Sooamaliya la rabin inay cagaheeda isku taagto amaba ay dowlad noqoto, iyadoo laga cabsi qabo in Soomaaliya haddii ay dowlad hesho ay la imaaneyso xisaabtan dhab ah, isla markaasna dowladaha deriska sida Itoobiya iyo Kenya ay ka soo ceshaneyso dhulka Soomaaliyeed ee ay sida xoogga ah ku heystaan, taas ayaana sabab u ah in la heli waayo dowlad Soomaaliyeed oo sax ah.

Leave a Reply