|

BURBURKII DIMUQURAADIYADDII SOOMAALIYA, HANAQAADKII XUKUNKA MILITARIGA IYO DHAXALKII DAGAALKA SOKEEYE!!

Jamhuuriyaddii Soomaaliya oo xoriyadda ka qaadatay dalalkii gumeysanjiray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska sanadku markuu ahaa 1960-kii, Soomaaliya waxay ka mid aheyd wadamadii ugu horeeyay ee dimuquraadiyad ku dhisan ee ka dhasha qaaradda Afrika, iyadoo dimuquraadiyaddaasi ku dhisneyd habka xisbiyada iyo Baarlamaaniga, kuwaas oo lagu soo dhisay maamuladii sida doorashada ah isu bedbedalay ee ay kala hogaamin jireen  Aadan Cabdulle Cismaan iyo C/rashiid Cali Sharma’arke, Illaahay ha u wada-naxariistee.

Inkastoo maamuladaasi ay ahaayeen kuwo ay xoog ku lahayeen xisbigii SYL ee u soo halgamay xoriyad doonka waxaa sidoo kale jiray xisbiyo badan oo dalka Soomaaliya ka furmay kuwaas oo loolan dhanka siyaasadda ah ku jiray, iyadoo doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhici jiray degmooyinka dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo tusaale u noqday wadamo badan oo Afrikaan ah inay ku daydaan, waxaa sidoo kale jira dhaliilo badan oo maamuladaasi rayidka ah loo jeedin jiray sida arrimaha musuqmaasuqa, balse waxay ahaayeen maamulo si nabad ah xilalka ulla kala wareegi jiray, isla markaasna shacabku wuxuu lahaa xoriyad uu wax ku dhaliilo ama wax ku taageero.

15-kii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii oo aheyd maalin madow oo soo martay taariikhda Soomaaliya ka dib markii magaalada Laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyadda Soomaaliya C/rashiid Cali Sharma’arke xilli uu ku jiray kormeer uu ku marayey dhulkii ay saameyeen abaarihii sanadkaasi ka dhacay dalka ayaa waxaa khalkhal iyo rajo xumo ku timid nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee mudada soo shaqeenayey, C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa la aasay 20-kii Oktoober, iyadoo aaskiisa dib loogu dhigay si ay uga soo qeybgalaan madaxda caalamka iyo waliba Ra’isul wasaarihii dalka Soomaaliya Maxamed Ibraahim Xaaji Cigaal oo xilligaas safar shaqo ugu maqnaa dalka Mareykanka.

21-dii bishii Oktoober sanadkii 1969-kii ka dib aaskii qaran ee Madaxweyne C/rashiid waxaa  saqdii dhexe habeenimadii ay soo galeysay 21-kii Oktoober dalka la wareegay  ciidamada qalabka-sida ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Taliyahooda Gen. Maxamed Siyaad Bare, kuwaas oo ku dhawaaqay inqilaab aan dhiig ku daadan, walow dad badan ay aaminsanyihiin in militariga iyo mas’uuliyiin dowladda ka mid ah ay lug weyn ku lahayeen abaabulka iyo qorshihii lagu dilay Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmarke.

Xukuumaddii militariga iyo tilaabadii ugu horeysay:- Ciidamadii Inqilaabka kula wareegay dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen Golaha Guddiga Kacaanka, kuwaas oo ka koobnaa xubnihii sarsare ee militariga, waxna ka soo qorsheeyay inqilaabka, militariga ayaa sidoo kale xabsiga dhigay madaxdii qaranka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen:- Ra’isul wasaarihii xilligaasi Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo dhammaan Golihiisii wasiirada, Madaxweynihii hore Aadan Cabdulle Cismaan {Aadan Cadde}, Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Mukhtaar iyo dad kale oo badan oo ka mid ahaa xisbigii SYL iyo aiyaasiyiin rayid ahaa oo aan xilligaas dowladda ku jirin.

Waxaa sidoo kale la soo saaray labadii warqadood ee militariga ku bedaleen dastuurkii qaranka Soomaaliyeed loo sameeyay sanadkii 1960-kii oo ah midka hadda laga soo minguuriyey dastuurka Federaalka ee la ansixiyey sanadkan aan ku jirno ee 2012-ka, ka dib laaliddii dastuurka Soomaaliya waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta saraakiil militari iyo aqoonyahano rayid ah, waxayna dowladdii militariga aheyd ay mamnuucday dhamaan xisbiyada dalka ka jiray oo albaabada loo laabay, banaanbaxyada, shirarka gaarka ah, sidoo kale waxaa la xanibay khudbooyinkii Masaajidada maalinta Jimcaha oo la sheegay inay ay fasixi karto oo keliya wasaaradda garsoorka iyo cadaaladda  iyo qodobo kale oo lagu xakameenayay dha dhaqaaqa shacabka.

Muddo ka dib waxaa la dhisay xisbigii Hanti-wadaaga kacaanka oo u janjeeray siyaasadda hantiwadaagga, dalka Soomaaliya ayaana markaasi la sheegay in lagu dabakhay hanti wadaaga cilimiga ku dhisan, waxaana wakhti dambe gadaal laga dhisay Golaha deegaanka iyo Golihii Shacabka, dhanka kale waxay xukuumada qarameysay dhammaan shirkadihii ajnabiga ahaa iyo bangiyadii ka jiray dalka Soomaliya.

Siyaasada arrimaha dibadda ee dowladdii Kacaanka:- Dowladdii Militariga aheyd ayaa xoojisay siyaasadoodii u janjeentay dhanka wadama Hantiwadaagga xilligii uu socday dagaalkii qaboobaa {The Cold War} ee u dhaxeeyay reer galbeedka iyo wadamada hantiwadaagga ah.

Waxyaabihii lagu amaanay dowladdii Militariga:- Waxyaabaha lagu amaanay dowladdii Kacaanka waxaa ka mid ahaa qoristii farta Soomaaliga oo la hirgeliyey, bacaad celintii Shalambood, dib u dejintii dadkii ku sabooloobay abaartii daba-dheer, barnaamijyadii dhiiri-gelinta beeraleyda iyo kalluumeysata, xoojinta awoodda Militari ee dalka, taas oo soo dedejisay dagaalkii sanadkii 1977-dii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya.

Leyntii Culimada Soomaaliya ee sanadkii 1975-tii ee dowladdii Kacaanka:- Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtay xukuumaddii Siyaad Barre ee ahaa inay simanyihii ragga iyo haweenka, sharcigaasi oo ka horimaneyay aayado ka mid ah Qur’aanka kariimka iyo xukunka Alle, maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weyday xukunkaasi ayey culimadu ka gadoodeen, waxaana loogu jawaabay in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil toogasho, waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtay 23-kii bishii 1-aad sanadkii 1975-tii.

Sanadkii 1977-dii iyo dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya:- Dagaalkaasi oo ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya guulo ka keeneen bilowgiisa ayaa markii dambe isu bedelay burbur xoogleh oo ku yimid awoodii militariga Soomaaliya ka dib markii wadamada hantiwadaagga ay la safteen dowladii shuuciga aheyd ee Mingiste ee ka jirtay dalka Itoobiya, waxay arrintas keentay in ciidamo caalami ah oo ka socda dalalka Kuba, Yamen iyo ciidamo ka socda dalka Jarmalka lagu soo xoojiyo ciidamadii la jebiyey ee Itoobiya, niyadjabkii ka yimid dagaalkaasi sanadkii 1977-dii ayaa keenay in madaxda sare ee militariga ay shaki ka qaadaan saraakiishii dagaalka ka soo noqoneysay inay iyagu inqilaab ku sameeyaan, waxaana dil-toogasho ah lagu xukumay in badan oo ka mid ah saraakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkaasi ka soo noqotay, halka qaar kalena la xiray.

Inqilaabkii dhicisoobay ee sanadkii 1978-dii:- Bishii Abriil 9-keeda sanadkii 1978-dii waxaa dhicisoobay inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumaddii Gen. Maxamed Siyaad Barre, waxaana la toogtay 17 ka mid ahaa raggii inqilaabka lagu tuhmay oo uu ku jirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey inqilaabka, xilligaasi ayuu Col. C/laahi Yuusuf Axmed ka baxay Soomaaliya maadaama uu ka mid ah raggii ku jiray fulinta inqilaabkaasi, inqilaabku wuxuu ku qorsheysnaa inuu dhaco bishii April 12-keeda sanadkii 1978-dii, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay aheyd 9-kii April ee sanadkii 1978-dii, wuxuuna dhicisoobay.

Aasaaskii Jabhadaha Soomaaliya:- bishii September ee sanadkii 1978-dii Col. C/laahi Yuusuf Axmed oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada Soomaaliya hogaaminayey dagaalkii 1977-dii ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii {SSF} taas oo bishii Oktoober ee sanadkii 1981-dii isu bedeshay {SSDF}, jabhaddaasi ayaa aheyd mid soo shaqeynaysay illaa dhismihii maamulka Puntland ee laga dhisay gobalada waqooyi bari.

Bishii april sanadkii 1981-dii waxaa la aasaasay jabhaddii SNM, jabhaddan ayaa soo shaqeynaysay illaa sanadkii 1992-dii markii la dhisay maamulka la baxay Somaliland, sanadkii 1989-kii waxaa la aasaasay Jabhaddii USC-da, jabhaddaasi ayaa aheyd tii fursadda u heshay inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya iyo xarumihii ugu muhiimsanaa dowladda oo ay ku jiraan kuwii militariga iyo keydkii hubka qaranka Soomaaliyeed, walow ay ku guuleysanweysay inay dhisto wax maamul ah, dhammaan jabhadahan oo siyaasado kala duwan watay ayaa hal mid ku mideysnaa, taasi oo aheyd inay xukunka ka tuuraan xukuumaddii kacanka, balse kama mideysnayd Xukuumaddaasi ka dib waxa dhici-karay iyo maamul la dhiso.

Ka bixitaankii Muqdisho ee Gen. Maxamed Siyaad Barre:- 27-kii bishii Janaayo sanadkii 1991-dii waxaa magaalada Muqdisho maryihiisa ka qaatay oo ka cararay Gen. Maxamed Siyaad Barre Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, waxaa xilligaasi si rasmi ah u bilowday dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya aafeeyay markaasi illaa hadda, ka dib markii jabhadihii dalka qabsaday ay  hananwaayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin, wax ay dhisaan iska daaye waxay burburiyeen wax kasta oo ay ku shaqeynaysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, kaabayaashii dhaqaalaha iyo waxbarashada inta, waxayna bililiqo ugu dhaqaaqeen hantidii qaranka, waxyaabihii laga dhaxlay ridistii sharci-dara aheyd ee Xukuumaddii dhexe ee Soomaaliyana maanta ayaana heynaa faa’ido iyo khasaaro intaba, faa’idase maba jirtee.

Waxaa isku soo duway:- Ismaaciil Cumar Madoobe {Caaqil yare}

Leave a Reply