|

Puntland aasaaskeedii iyo dhabar jabkii reer Bari!!!

Sida aan la wada socono aasaaskii maamul goboleedka Puntland waxay ka timid firkaradda guurtidii iyo shacabkii deegaanada ku dhaqnaa, waxaana sababta u weyn ee kaliftay yagleelidda maamulka Puntland uu ahaa ka dib markii la waayey wax dowlad u eg oo ay bateen isbarbaryaacii iyo fawdadii.

Yagleeliddii maamulka Puntland ma aheyn in beelo gaar ah loogu adeego ama dagsiimo gaar ah in lagu-dhiso canshuurta shacabka waxna aan loogu qaban, waxaa jiray intii uu dhisnaa maamul goboleedka Puntland cabashooyin badan oo ka imaanayey dhanka gobolada qaar oo waayey isbedelkii ay sugaayeen maadaama canshuurtooda ay doonayeen in wax loogu qabto, inkastoo maamulka hadda jira ee Puntland uusan sameynin waxyaabo badan oo laga filanayey, mana dhicin in la helo maamul u adeega shacabka oo ka haqabtira waxyaabaha asaasiga ah sida amniga, biyaha, korontada, wadooyinka, waxbarashada iyo maamul ku dhisan cadaalad, kana fog eex iyo nin jeclaysi, bedelka intaas oo dhan waxaa la sameeyay waxyaabo liddi ku ah oo u badan nin jeclaysi iyo sadbursi lagu sameeyay qabiilada wada dega deegaanada Puntland.

Waxaa la yaab leh maamulka Puntland ee hadda jira uuna hogaamiyo C/raxmaan Faroole inuu isugu biyo shubtay oo hormariyey oo keliya xaruntooda Garoowe oo ah caasimadda Puntland, su’aasha mee caasimada oo kaliya mana aha inaan ka soo horjeedo caasimada Puntland ee Garoowe, mana dhicin in gobolada Puntland siman wax loogu qeybiyo dhan kasta, iyadoo la ogyahay in maamulka Faroole uu xoogga saaray oo keliya magaalada Garoowe oo la oran-karo isaga ayaa ka soo jeeda, laakiin su’aasha meesha taala ayaa ah Madaxwayne Faroole miyuusan aheyn kii reer Puntland ay wada doorteen, mise waxaa doortay hal gobo lama hal magaalo oo keliya? Madaxwaynuhu miyuusan ogeyn in la weydiin doono mas’uuliyaddii uu qaaday markuu dhaaranayey? malaha aniga ayaaba ka cabsanaya is waydiintaase dadku may isdifaaci karaan hadday dulmi galaan maalinta aakhiro ee ay jirto abaalmarinta iyo xisaabta rasmiga ah!.

Reer bari waxay leeyihiin cododka ugu badan Baarlamaanka Puntland waana kuwa maanta albaabada loo laabay xafiiskoodii ay ugu garniqi jireen dadka is haya, waxaase xusid mudan nimankii tuugtamayey ee baaqii nabaddu ay ku dheehnayd dirayey haddii xafiiskooda albaabada loo laabay, maxay sameyn laheyd, hadday isku cod noqon lahaayeen maamulkana kalsoonida kala noqon lahaayeen, muxuu sameyn lahaa C/raxmaan Faroole oo deegaanada Puntland ka sameysanaya waxa uu isagu doono, sidoo kalena dadka reer Puntland ka horkeenaya Soomaaliya inteeda kale, maadaama hadalo qalafsan oo aan ka fiirsasho laheyn ay markasta afkiisa ay ka soo burqanayaan.

Dagmooyinkii soo jireenka ahaa maamulka diiday ma dagmooyin cusub ayuu magcaabi lahaa?:- Reer bari canshuurta ugu badan iyagaa bixiya haddana magaaladoodii waa haawaneysaa, waliba waxaa xanuun ah in ganacsatadii intoodii badneyd ay ka carareen inta hartayna ay doonayaan inay si dhib-yar ku hishaan alaabtooda, garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo ranway keliya hka arsan yahay shaqadii ka socotay waa la joojiyey, canshuurtii oo lagu qaaliyaysiiyey dadkiina way badatay, iyadoo waliba sedex goor lagu kordhiyey, haddana ay ahaayeen dadku mudiiciin sugayey inta ay dhamaysanayaan waqtigooda madaxda ka fogaaday cadaaladda, kaba sii-darane Faroole waxa uu si qasab ah ugu darsaday hal-sano oo uusan wax sharci ah u heysan, waxaana laga cabsi qabaa in haddii uu sanadkaasi ku adkeysto deegaanada Puntland ay lugaha la galaan fowdo iyo dagaalo sokeeye, isla markaasna ayba dhici-karto in qabiil-qabiil ay isku dilaan dadka reer Puntland, haddii uusan ka joogin Faroole waxa uu ku socdo oo ay dad badan ka qeylo dhaaminayaan.

Bilaahi calaykum miyey istaahilaan dadka intaasi oo sabar ah leh in cuqaashooda wiilal yaryar inta loo adeegsado waliba amar lagu siiyo inay iska rogo ku daabulaan alaabtooda, iyagana jeego dharbaax looga saaro xafiiskoodii ay garta ku niqi jireen, miyey istaahilaan in wax qabad la’aan loogu daro hagardaamo?, waxaan ku soo gunaanadayaa qormadeyda in khaladaadka uu sameynayo Faroole iyo maamulkiisa ayaa waxay tahay inuu si xoog ah ku meel-marsado sanadka uu doonayo inuu ku darsado, waxaana cadeyn u ah inuu doonayo inay ka mashquulaan sanadka uu doonayo inuu ku darsado ee xaaraanta ah.

Hadaba waxaan u sheegayaa shacabka iyo dhamaan cuqaasha ku dhaqan gobolka bari inay kala noqdaan kalsoonidooda maamulka hadda jira ee uu madaxweynaha ka yahay C/raxmaan Faroole, kuna baaqaan oo ay fidiyaan gogol looga xaajoonayo Puntland iyo isku darsigeedii hore iyo mid cusub, lana soo celiyo gobolada ka carooday falalka guracan ee uu ku kacayo Faroole iyo kuwa daba-socda, waxaa hubaal ah gobolo badan oo ka mid ah Puntland ay dulmanyihiin, kana jawaabi doonaan baaqaasi waase haddii ay qaadaan talaabadaas aad kaga xoroobeysaan cadaalad la’aanta uu ku dhaqmayo maamulka Faroole oo lama arag iyo lama maqal ka dhigay Puntland, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad ka dhiidhisaan sanadka sharci-darada ah ee uu doonayo inuu ku darsado C/raxmaan Faroole iyo maamulkiisa.{Afeef, maqaalkani Wargeyska mas’uul kama ah, waxaana ka mas’uul ah qalad iyo sax intaba qoraha ku saxiixan oo wax laga weydiin karo haddii loo baahdo}.

Waxaa Qoray:- Jaabir Xuseen Gacayte

Leave a Reply