|

Yaa yiri murankii madaxda waa laga gudbay, Yaa yiri isbedel baa dhacay, Yaa yiri marxalad cusub baa la galay?!!!!

Yaa yiri isbadal baa dhacay? yaa yiri marxalad cusub baa la galay? yaa yiri murankii Madaxda waa laga gudbay? yaa yiri Profeysaradan ayaa wax tari kara? yaa yiri khilaafkii baa dhammaaday? yaa yiri is-qabqabsigii baa idlaaday? yaa yiri is-maandhaafkii baa haray? yaa yiri waxaa la galay xilligii dib u dhiska dalka iyo dib u deginta dadka? yaa yiri waxaa la gaaray biseyl siyaasadeed? yaa yiri Al-baa laga xoroobay? yaa yiri..yaa…yiri…

 Inaan weydiimahan dhigo inay dani ii sheegtay ka sokow, waxaan is leeyahay durbaankii la gaaracay maalinnimadii Talaadada aheyd ee ay taariikhu ku beegnayd 28-ka bishii Agoosto ee la doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, 10-kii bishii Sebtembre ee la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo 6-dii bishii la soo dhaafay ee October oo la magaacabay Ra’isul wasaare Saacid, daxashii ka dhalatay iyo mirirkii uu maanka u geystay kolley kama goyn kartide, armaad ugu yaraan burush timo yix ka jilic marisaa, suujinadu inaysan qaadmeyn ma mooganin, balse waxaan is-leeyahay armeysan ka dareyn Cayri caymo ma diiddee!.

Si aan digasho loogu qaadan bal aan soo reebo qeyb aan is iri marka laga soo tago daacadnimada ay u dhahaan waxaa u wehliya duruufo qallafsan oo dalka ku soo maray, Kacaankii la riday ee maalmahan la xusayey, hadday dibadaha tageenna aan dayr fiican iyo daryeel wacan midna helin, dibna aaan loo soo gurya noqon karin, ileen duqii waxaa ka daba maray lama arag iyo lama maqale, marka aan afeeftaa dhiibto ka dib, haddaan maalin walba u joogno warin wax dhacay ama la sheegay ee aannaan la imaan caqli aan ku miisaanno sida, qaabka iyo hannaanku wax u dheceen ama loo dhahay, waxaa hubaal ah in maalin walba ay nala soo gudbooneynso midda hadda taagan oo kale, maxaa yeelay hore ma aannaan eegin, haddana ma aannaan eegin, gadaalna ma aannaan eegin, howtul hamag iyo hayaan aan hadaf laheyn.

  • Dunidaan isdaba mari
  • Majarahay ku socotaa
  • Milicsiyo hummaag iyo
  • Saadaalyo muuqaal
  • Inaan meehaannawnaa
  • Maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo
  • Maskax aan shaqeynayn miraheeda weeyaan!.

 

Ayaandarrada jirta baa ah qormadu inay ku soo aadeyso iyadoo weli ay socdaan mashxaradaha loo dhigayo kuwan is khilaafsan ee horay u sheegay inaysan is khilaafi doonin, waaba iga weydiin ma mudanyihiin in loo alalaaso? hadday taa haa tahay, waa dhilaalka dhaqanka wax noogu hagaagi la’yihiin, ileen waxaanba u sacbinnaa wixii dhibkeena ah oo keliya, haddiise ay maya tahay, maxaana keenay in loo sacbiyo?

ü  Muruqeenna kala maqan

ü  Muuqeenna kala jaban

ü  Madmadowga badaniyo

ü  Mugdiguna ku kala jiro

ü  Maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo

ü  Maskax aan shaqaynayn miraheeda weeyaan!.

Waxaa muran iyo isqabqabsi ugub ama curdun ah ka dhextaaganyahay Madaxeyane Xasan Sheekh iyo Wasiirka 1-aad ee Saacid, waxaa la isku mari la’yahay tirida Golaha Wasiirrada laga dhigayo, inkastoo maanta lagu dhawaaqi doono, Sagaal ama Toban waxaa ku dhegan Madaxweyne Xasan Sheekh oo dabcan loo qiilin karo, balse aanan anigu wali arag qiil i qanciya ama lala soo shir tagi karo, ugu yaraan shan iyo toban illaa sideed iyo toban waxaa taagan Ra’isul wasaar Saacid oo ah sida caqligu keenayo.

Inta aanan sii falanqeyn su’aalaha ugu waaweyn waxay yihiin bil is lama joogine, goorma ayey is khilaafayaan? miyeysan wax ku heshiin inta aysan dadka u cadeyn inay wada shaqeyn doonaan?, gaar ahaan haddiiba ay ka go’neyd Madaxweyne Xasan Sheekh inuu tirada wasiirada Sagaal ama Toban meel marasho saw kuma habooneyn ama ma aheyn inuu inta uusan shaacin magacaabista Saacid shardi ahaan ugu xiro, si uusan caqabad ugala kulmin, anagana noo niyad dilin? miyeysan aheyan niyad jab xun oo la bilowday Xukuumadda Saacid? su’aashuna waxay noqoneysaa imisa ayey sii jiri doontaa, Baarlamaankase maka gudbi doontaa, maadaama haatanba ay Xildhibaano badan u faruuryo qaniinsanayaan?.

Marka laga soo tago yaa qumman yaa qaldan? ma tahay xilli ay murmaan? ma isla qaateen waqti ay isku khilaafaan? ma wadaageen aragtiyo kala duwan ee ku adaan qodobadan kala ah: nidaamka beelaysiga, sugidda ammaanka, dhismaha hayadaha, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, la dagaalanka musuqmaasuqa, la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, dhismaha garsoorka iyo cadaaladda iyo dhameystirka dhismaha dowladda IWM?

Marka warcelinta weydiimaha la isku soo duubo, waxay wada noqonayaan waa maya haddana maalmihii la magacaabay weydiimo taagnaa baa jiray oo dhacdadan oo kale baajin lahaa inay dhacdo waa haddii la isweydiin lahaaye, sida aan hore la isugu weydiin bay hadda u maqanyihiin isla weydiimahan sare ku xusuni, marka laga reebo jawaabta iska cad ee ka imaan karta, anigaa mas’uul ka ah, adigaa masruuf raba isagaa maciin u ah annagaa muqaawila idinkaan, midnimo rabin! is maandhaafka jira iyo is mari waaga taagani, maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo maskax aan shaqeyneyn miraheeda weeyaan!.

Koobidda tirida Golaha Wasiirrada soo socda waxay qeyb ka tahay dhameystirka qaab dhismeedka dowladda Soomaaliyeed, balse taa macnaheedu ma ahan in tirada dhanba lagu soo koobo sagaal ama toban, kaba sii darane ma ahan in Maxdaxweynuhu tira tobnaad ku taagnaado, haba ku taagnaadee markii hore ayey u ekayd inuu tariiqad afka ka tolan ku taabto Ra’isul wasaaraha, waligeedba xilli aan la mudneyd ayaa afka la meermeershaa, marka laga soo tago gobolada dalka ee maamuladu ka dhisanyihiin iyo kuwa aysan ka dhisneyn, haddaan dowladdu Muqdisho talo ku laheyn AMISOM la’aanteed, saw ma aheyn inay xoogga saarto sidii ay u badin laheyd ciidanka jaad-walba uu yeelan karo, inta ay isku mashquulin laheyd tirayareynta Golaha Wasiirrada? Alla maxaa la isku war la’ yahay!.

Haddii aysan weli aragti ka heysan ama ku soo bandhigin sida laga yeelayo ciidanka Kenya ee waqtigii ay ka midka ahaayeen ciidanka AMISOM ka dhacay, haddii aysan weli mowqif ka qaadan sida laga yeelayo deeganada Jubbooyinka ee dhawaan Al-shaabab isaga baxeen ee aysan cidna ka qarsaneyn damaca ku jira Kenya ee ku aadan hadday noqoto maamulka deegaanka ama dhaqaale ahaanba, haddii aysan weli aragti ka heysan kuna soo jeedin sida laga yeelayo ciidanka AMISOM qudhiisa oo aysan weli caddeyn xilliga uu baxayo iyo xittaa qaabka uu ku shaqeynayo, marka laga reebo in loo ogolaaday ka gadaalanka deegano ka baxsan Muqdisho, haddii aysan weli soo bandhigin qaabka loo suugayo ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan dalkaba oo maalin walba lagu dilo waxgaardka Soomaaliyeed ee isugu jira Saxafiyiin, Abwaano, Fanaaniin, Odayaal, Ganacsato IQB, maxay is khilaafaan oo ay horta gacanba ku hayaan?.

Dowladda ma waxay u dhisantahay in la isla wadaago mise in la is weydaarsho?, waxaan uga jeedaa haddii Madaxweynuhu ku dheganyahay sagaal ama toban wasiir, sidee ku dhaceysaa in beelo markii horaba gunuunuc qabay loo qanciyo? kaba sii darane, haddii tiradu intaas dhaafi-weyso waxay ka dhigantahay dowlad u dhisan inta dhisatay oo keliya, haddii markii hore laga cawday in dowladdii hore ay saameyn ku lahaayeen niman la yiraa Aala Sheekh oo xittaa Mahiga mar xusay, middan marka laga soo tago saameynta ay Dam-jadiid ku leeyihiin, waxaysanba soo dhaafeyn afarta la magacaabay iyo iridaha ay ku jiraan, maxaa yeelay dal laguma maamulo anaa iri iyo ima dhaafto!, midda socotana waa taas oo kale ee armay ka fiirsasho u baahantahay kuna haboon tahay? muran dowlad noqon waa madax noo sameyn waa manhaj gaara noo diid hiddihii mudnaa iyo in la mooso dhaqankii maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo maskax aan shaqayneyn miraheeda weeyaan!.

Madaxweynuhu markuu tirada sagaal ama toban ka dhagayo waxay aheyd markuu magaalada Kampala ku qaabilayey madaxda Yugandha iyo Kenya, inuusan iska soo fariisan ama iska soo istaagin goobtii uu ka dhacayey shirku astaan la’aan, halka madaxda kale uu mid walba garabkiisa surnaa calankiisa, keenuse meesha ka maqnaa, taas waxaa la dhihi karaa Xasan Sheekh oo aan dowladnimada aqoon u laheyn!, maamul aan hogaan qabin majarahii hagaayiyo marjicuu u laabtaa maankeena maran iyo miyirkeena maqan iyo maskax aan shaqayneyn miraheeda weeyaan!

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah dunida waxaa xeer u ah marka mudane Guddoomiye ama Madax Xisbi ku guuleysto xilka Madaxweynaha inuu iska casilo xilkii uu horay u hayey ee Xisbigaa, xaalka dalkeena marka lagu dabaqo Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu Guddoomiye u ahaa Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP welina lama hayo meel uu xilkaas ku wareejiyay sidii loogu shubay xilka madaxnimada, haddii wax lagu murmo ay jiraan waxaan dhihi lahaa waa dhaarin la’aanta Guddoonka Baarlamaanka ee uu ugu horeeyo Mr. Jawaari, taas uu ka hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda sare Avv. Caydiid Ilka Xanaf isagoon waliba ka cawday arrintaas oo yiri “Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba ku xigeennadiisa iyaga ayaanba aheyn sharci! sababtoo ah ma dhaarin, sidaas darteed waxay ku joogaan sharci daro, waxaana qormadeena ku soo gunaanudayaa maareyn xumaataa mashaqiyo abaar iyo mawd wadara kaba daran!.

Waxaa Qoray Bashiir M. Xirsi Email:- brdiraac@hotmail.com

Leave a Reply