|

Fanaanadda Saynab Labo-dhagax oo wacdaro ka muujisay Kampala(DAAWO SAWIRRADA)

Fanaanadda caanka ah ee Saynab Maxamed Xaaji (Saynab Labo-dhagax) ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay wacdaro ka muujisay tiyaatar ku yaala magaalada Kampala ee dalka Uganda, kaasoo ay ku qabatay fandhig fanneed si heer sare ah loo soo agaasimay.

 

Bandhig faneedkaas oo ay xalay Fanaanadda Saynab Labo-dhagax  ku qabatay Tiyaatarka lagu magacaabo Royal  magaalada Kampala ee dalka Uganda  ayaa waxay ku soo bandhigtay heeso soo jiitay dareenka dadweynihii u daawasho tagay.

Sida ka muuqatay  dareenka inta badan dadweynaha reer Kampala ee ka qeyb galay xaflad faneedkaas ay qabatay Saynab Xaaji (Labo-dhagax)  ayaa waxaa wejiyadooda laga dheehan karay farxad iyo reynreyn, waxayna u soo bandhigtay heeso aad u macaanaa oo kiciyey laabaha dadkii ka qeyb galay.

Fannaanadda ayaa waxaa habeenkii xalay lagu guddoonsiiyey goobtii ay xaflad fanneedka ka dhigeysay shahaaddo sharaf aad u qiimo badnayd oo ay guddoonsiiyeen mas’uuliyiin ka socotay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee dalka Uganda, sidoo kale waxaa fanaanadda la guddoonsiiyey hadiyado qaali ahaa oo ay u hibeeyeen qaar kamid ah ka qeyb galayaashii xaflad fanneedka ay qabatay.

Fanaannada Saynab Labo-dhagax oo dorraad soo gaartay magaalada Kampala ee dalka Uganda si diiranna loogu soo dhaweeyay ayaa waxay maanta dib ugu laabanaysaa dalka Kenya oo ay bandhig faneed ku qabatay, waxayna sheegtay in ay uga sii gudbi doonto  caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,  halkaasoo ay barnaamijyo wacyigelin ah ka bilaabi doonto.


 

 

 

Leave a Reply