|

FARQI CEYNKEE AH BAA U DHAXEEYA XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA EE SHALAY IYO KUWA MAANTA.

Golaha baarlamaanku waa hay’ada sharci dajinta ee ugu sareysa awooda dalka , sidaa darteed waxaa muhiim ah in uu yeesho muuqaal ka turjumaya xilka culus ee uu bulshada Soomaaliyeed u xambaarsan yahay , isla markaana kasoo dhalaalo waajibkiisa ku aadan dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed.

Golaha baarlamaanka cusub waa uu ka duwan yahay kii hore oo ay 2004 soo dhoodhoobeen hogaamiye kooxeedyada, waxaana baarlamaankan cusub soo dhisay hogaamiye dhaqameedyada , waxaana taa sii dheer in dalka gidihiisa lagu unkay,  marnaba la’iloobi doonin guushii taariikhiga aheyd taas oo ah in madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lagu doortay dalka gudihiisa taas oo si cad u muujisay isbadalka baaxada leh ee ku yimid xaalada siyaasadeed ee dalka .

Golaha baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya ee 2004 – 2012 ugu horeyntiiba kuma dhismin rabitaanka shacabka soomaaliyeed ee waxaa soo dhoodhoobay 23 hogaamiye kooxeed oo sutiga u hayay shirkii dib u heshiisiinta ee dalka Kenya 2004 iyadoo 275 xubnood oo kalana heshiiskii D’jibouti 2008 masraxa kusoo fuuleen , marka aad si dhab loogu fiirsaday hab dhaqankii xubnihii baarlamaankii hore xiliyadii ay shirarku socdeen waxaa muuqaneysay in goobtu shirku aaney waxba ku duwaneyn xarumaha qamaarka lagu ciyaaro ee gangistarada alcolistayaashu isugu yimaadaan, BUUQA, ISTUURYEYNTA, CAYDA, FOORIDA, IS ULEYNTA IYO WALIBA maqal la’aanta gudoonka shirka ayaa si cad u muujineysay in badi xubnihii baarlamaanka waqtigiisii dhamaaday ay lahaayeen dhaqanka caruurta dib jirka ( CIYAAL SUUQA ) ah.

Qaar badan oo xubnaha baarlamaanka ka mid ahaa waxey si deg deg ah ugu baahan yihiin in dhaqan celin lasoo mariyo si anshaxooda dib loogu soo dhiso,halka tiro kalana ay u mudan yihiin in la geeyo oo lagu hayo xarumaha dadka waalan ( MANACOMIO ) si dhimirkooda kala dhimin dib u bogsasho loogu soo sameeyo,

Bal ka waran shacabka dulman ee Soomaaliyeed ee masiibadu dhinac walba kaga habsatay 21 – sanana dhexdabaalanaya in uu wax rajo ah kasugo gole sharci dejineed oo akhlibiyadiisu u badan yihiin magudbayaal heerkooda aqooneedka hooseeyo darajada eber, waxaa kaloo murugadeeda lahaa  in xubno badan  oo huwanaa sharafta  golaha baarlamaankii hore  ay si toos ah ula shaqeynayeen  cadowgi dowlada kasoo horjeeday sida  ALSHABAAB, taas oo ku timid dowladii  madaxweyne SHeekh SHariif oo garaafkeeda sirdoonku aad iyo aad u hooseeyay, wax muhiimad gaar ahna aanba siinin arimaha sirdoonka.

Daraasad aqooneed lagu sameeyay waxa kadhex socday  Golahii  baarlamaanka hore  ee waqtigiisu dhamaaday waxaa kasoo if baxday  in wax badan sidii laga rabay si duwan u shaqeeyeen , Qodobada dhaqan wanaaga ( ETHICS ) ee xubnaha baarlamaanka lagu xakameyn lahaa Dastuurka maba lagu soo darin kuwa dishibiliinkuna waxeyba ahaayeen  howl gab oo maba shaqeeyaan sidaa darteed nidaam wax kala hagideed maba uusan  jirin, taas oo keentay kala qeybsanaan iyo fowdo baarlamaankii hore xiligiisii ku dhameysto.

Wax badan iyo wax badan ayaa baarlamaankii xiligiisu dhamaaday  ka khaldanaa  bal u fiirso xubno aan xitaa hal maalin usoo xaadirin shirarka baarlamaanka oo aan wax talaabo ah laga qaadeyn, kuwo carqaladeyn iyo fowdo oo kaliya kuraasta u soo fariista, qaar dacaayad qaran dumin ah  iyo aflagaado madaxeed oo aan loo aabe yeelin warbaahinta si joogta ah uga sii daaya iyadoo ujeedadoodu tahay ismuujin shakhsiyadeed iyo kuwa caadeystay in marka uu jeebkoodu martaba ay mooshin hunguri doon ah shirarka ku qasaan, dhacdooyinkaan ayaana muujinaya in golaha baarlamaankii hore  kowka yahay waxyaabaha hortaagnaa  in dowladan fadhiidka aheyd ee  dhaqaaqdo,

Haddii la doonayo in uu wax laga qabto xaalada dalka waa in uu ugu horeyn la  fara geliyaa golaha baarlamaankan cusub  si loogu hago wadada saxda ,waana lama huraan in lakala shaandheeyo xubnaha isku dhex milan si taa loogu guuleystana waa in dib loo dhaqan geliyaa qodobada wax kala saaraya , marka xaalada baarlamaanka cusub  si mug leh loo derso waxaa muuqaneysa in ay lama huraan tahay in xubnaha baarlamaanku u baahan seminaaro deg deg  ah oo wacyi gelineed korna loogu qaadayo aqoontooda si loo fahamsiiyo in mustaqbalka cid walba lala xisaabtami doono shacabkuna ay kala garanayaan dambiilayaasha u taagan in xaaladan lagu sii jiro.

Baarlamaankan cusub ee uu horkacayo Professor Maxamed cusmaan Jawaari ma’aha mid saafi ah waxaana weli ku dhex milan HOGAAMIYE KOOXEEDYADII iyo kooxo kale oo aan marnaba ogoleyn in hore loo socdo sidaa darteed waxaa lama huraan ah in la helo xaalad ka duwan tii hore oo isla xisaabtan iyo kala dambeyn ku dhisan si baarlamaanku u noqdo mid howshiisa kasoo dhalaal una istaaga ka qeyb qaashada samata bixinta shacabka Soomaaliyeed.

Tijaabada ugu horeysa ee lagu kala garan doono wanaaga iyo xumaha golaha baarlamaanka cusub ayaa noqoneysa ansixinta dowlada tirada yar ee tayada badan ee ra’iisul wasaaraha cusb soo magacaabay, waxaana la kala ogaan doonaa in aqlabiyada baarlamaanku weli yihiin ay yihiin Xildhibaanadii fowdada ee dhaqanka caruurta dib jirka ah lahaa  ee bur buriyay sharaftii iyo haybadii baarlamaankii hore iyo in uu isbadal dhab ah ku dhacay baarlamaanka cusb  iyadoo baarlamaankan cusub ay ka dhex muuqdaan Aqoon yahano badan oo aan ka xusi karno Professor axmed ismaaciil samatar, Dr. cali Khaliif Galeyr, Maxamed Cabdulaahi Maxamed FARMAAJO iyo

Cabdi Weli Maxamed Gaas Waxaana gaba gabadii leeyahay farqi ceynkee ah baa u dhexeeya xildhibaannada Baarlamaanka ee shalay iyo kuwa maanta?

 

Qalinkii Qoraa Sare.

Muse Mohamed Osman.

muusekiimiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

Leave a Reply