|

Geed ilmaynaya oo lagu Qur’aan saaray magaalada Nayroobi ee dalka Kenya

Mucjiso layaab leh ayaa maalintii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacday mid ka mid ah xaafadaha Soomaalidu degan tahay ee magaalada Nayroobi dalka Kenya, mucjisadaas oo ah geed halkaas ku yaalay oo ilmeynaya isla markaana taaha ka baxaya ay dad badan ku soo wada bexeen.

 

Geedkaas ayaa waxaa ka da’aysa ilin, wuuna taahayaa sidii qof bukaan ku raagay oo kale, dadku layaab ayay arrintaas ku ridday wax ay ku sifeeyaan ayayna garan la’ yihiin ilaa iyo hadda, balse waa mid ka mid ah mucjisooyinka Alle ee ka dhaca koonkan aanu ku nool nahay.

 

Masaajid ku yaala xaafadda geedkaas ku talaalan yahay ayaa dadkii ku tukaday shalay galab waxaa laga dalbaday in ay geedkaas qur’aan saaraan, sidoo kale arday dhigata dugsi qur’aan ayaa iyagana qur’aan saaray, waxaana la sheegayaa in haatan uu yareeyay taahii iyo ilmadii.

Leave a Reply