|

CAF oo magacowday 10-ka ciyaartoy ee sanadka 2012 ugu wanaagsan Qaaradda Afrika(Daawo sawirrada).

Guddiga Farsamada Kubadda Cagta iyo Warbaahinta Xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda afrika CAF ayaa soo saaray liiska magacyada ciyaaryahannada ugu wanaagsan Qaarada Afrika sanadkan sii dhamaanaya 2012.

Cayaaryahanadaas ayaa waxaa ku jira ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Manchester City Yaxye Toure oo ahaa ciyaaryahankii sanadkii hore ku guuleystay ciyaaryahanka ugu wanaagsan Afrika 2011.

3-da ciyaartoy oo reer Ivory Coast ah oo uu ku jiro  YAYE TOURE oo kooxda Manchester City ah ayaa ka mid ah 10–ka ciyaartoy oo ay CAF magacowday, labada ciyaartoy ee kale ayaa kala ah Didier Droga oo 2 jeer abaalmarinta ciyaaryahanka ugu wanaagsan afrika ku guuleystay una ciyaara kooxda Shanghai Shenhua (China) iyo Gervinho oo kooxda Arsenal ka tirsan.

Dhinaca kale liiska 10-ka ciyaartoy ee ugu wanaagsan Qaaradda Afrika waxaa ku jira 3 ciyaartoy oo ka ciyaara France LA LIGA 1 kuwaas oo kala ah:  Youes belhanda, Youes Belhanda iyo Andre Ayew, dhanka kale ciyaar yahanka reer Morocco Youes Belhanda oo kooxda  Montpellier (France), Andre Ayew oo reer Chana ah oo kooxdiisa Marseille xilli ciyaareedki 2011-2012 kooxdiisa u dhaliyay 16 gool, xulkiisa Blach Stars-na (GHANA) gaarsiiyay Semifinalka koobka Qaramada Afrika (AFCON) 2012 ayaa isna ka mid ah 10-ka ciyaartoy ee CAF magacowday,

Ciyaaryahanka kooxda Chelsea The Blues John Obi Mikel ayaa isna ka mid ah liiska 10-ka ciyaartoy ee CAF soo bandhigtay, sidoo kale kabtanka Xulka Zambia Christopher Katongo oo u ciyaara kooxda reer China ee loo yaqaan Henan Construction (China), xulkiisa u horseeday ka qeybgalka finalka AFCON 2013 ayaa isna liiska 10-ka ciyaartoy ee CAF soo saartay ku jira, halka ciyaaryahanka reer Gabon YOUES BELHANDA oo u ciyaara kooxda  Saint Etienne (France) uu kujiro liiska CAF iyadoo Dembe Ba oo ka tirsan kooxda Newcastle United (England) una dhashay dalka Senigal iyo  Alex Song oo reer Cameroon ah una ciyaara kooxda Barcelona ee dalka  (Spain) ay iyana liiska 10-ka ciyaartoy ee Qaaradda Afrika ugu wanaagsan 2012 ay ku jiraan.

Xiriirka kubadda Cagta ee Qaaradda Afrika CAF ayaa todobaadka ugu dambeeya bishan November ku dhawaaqi doona Ciyaaryahanka ugu wanaagsan Qaaradda afrika sanadkan 2012, iyadoo xafladda ku dhawaaqidana ay ka dhici doonto magaalada Acra ee dalka Ghana.

JERRY LAMPEN/Newscom/RTR
Ivory Coast (© NIGEL RODDIS/Newscom/RTR)Ivory Coast (© LOUAFI LARBI/Newscom/RTR)Ghana (© JEAN-PAUL PELISSIER/Newscom/RTR)Nigeria (© TOBY MELVILLE/Newscom/RTR)Zambia (© AMR ABDALLAH DALSH/Newscom/RTR)Ivory Coast (© LOUAFI LARBI/Newscom/RTR)Gabon (© NIGEL RODDIS/Newscom/RTR)Cameroon (© JERRY LAMPEN/Newscom/RTR)Ivory CoastSenegalMoroccoCameroon (© JERRY LAMPEN/Newscom/RTR)

Muse Mohamed Osman

muusekiimiko99@hotmail.com

muusekiimiko@gmail.com

Leave a Reply