|

Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta cayaaraya iyo safaaradda Somaliya ee Uganda oo eed loo jeediyay(Daawo sawirrada)

Cayaar ka tirsan CECAFA CUP ayaa maanta oo Axad ah  waxa ay dhex mareysaa cayaaryahannada xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa  dalka Burundi, taasoo qabanqaabadeeda ay  ka socoto magaalada Kampala ee dalka Uganda oo cayaartu ay ka dhacayso.

Xulka Soomaaliya oo loo yaqaan Xiddigaha Badweynta (OCEAN STARS) oo ka mid ah 12-ka dal ee ka qeyb galaya CECAFA CUP 2012 oo shalay ka bilowday Garoonka cayaaraha Mandela Stadium ee dalka Uganda ayaa foodda dari doona xulka dalka Brundi oo ay kuwada jiraan Group B oo ay isku arkayaan dalalka Soomaaliya, Brundi, Tanzania iyo Sudan.

Xulka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka kooban 28 ciyaartoy oo 7 ka mid dibadda laga keenay iyo hal tababare, iyadoo taageerayaal fara badan oo Soomaali oo aad u jidbeysan ah ay ku sii qulqulayaan Garoonka, kuwaasoo Basas jeebkooda ay ka kireysteen ku aaday Garoonka oo ku yaal Namboole oo xaafada Soomaalida degto u jirta 10 KM.
Dhinaca kale safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabisay inay taageerayaasha Soomaalida u kireeyaan gaadiid, sidoo kalena waxaa la sheegay inay xitaa u waayeen Calamada Soomaaliya ee taageerayaashu lulaan.

“Safaaradda Soomaaliya iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Uganda waxay ka gaabiyeen in ay taageerayaasha Soomaaliyeed ee doonaya inay xulkooda taageeraan ay Basas u kireeyaan, iska daa basas ay kireeyaane waxaan safaaradda Soomaaliya ee Uganda ka soo weynay calamada buluuga ah ee taageerayaashu lulaan, laakiin anaga ayaa soo raadsanay calamada”  sidaa waxaa yiri C/qaadir Cali Axmed (Bir-laqe) oo ka mid ah dhalinyaradii qabanqaabada wadday, isagoo xusay in jeebabkooda ay ka kireysteen Basaska.

Maxamed C/llaahi Xasan (Moha) ayaa isna saxaafadda u sheegay in Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda aysan ka qeyb qaadan taageerada xulka Qaranka Soomaaliyeed ee galabta oo Axad ah la cayaaraya xulka dalka Burundi.

Basas fara badan iyo gaadiid yaryar  ayay taageerayaasha Soomaalidu u kireysteen Garoonka cayaaraha Mandela Stadium ee dalka Uganda iyagoo iska aruurinayay lacago jeebkooda ah.

Waxaa la sugayaa  natiijada galabta ee cayaarta dhex mareysa xulka Qaranka Soomaaliya iyo Burundi.

Xulka Soomaaliya ayaa marka ay la cayaaraan Burundi waxaa u harsan oo ay la cayaari doonaan xulalka Sudan iyo Tanzaniya, iyadoo cayaarta tan xigta ay cayaari doonaan 28/11/2012, halka  tan xigtana ay cayaari doonaan 1/12/2012  iyagoo is arkaya xulka Tanzania.

 

Leave a Reply