|

Gabar aan jeclaa baa nin kale iga raacday, anna waan xanaaqoo xaas baan guursaday, markii la soo furay ayayna igu soo rogaal celisay ee maxaan sameeyaa (Talo i sii Caaqil Dalmar)

Waxa uu xiriir jacayl inaga dhexeeyay gabar  aanu marna qaraabo soke nahay, waxaan ku haminayay inaan gabadhaas guursado si aan uga baxo doobnimada, laakiin waxaa ila solo gudboonaaday safar dalka banaankiisa ah si aan uga soo xoogsado maadaama dalkeenu aanan wax shaqo ah ku heynin.

Gabadhii ayaan u sheegay arrinkaas, waxayse igu yiri inaad iga ag fogaato ma jecli ee iska jog dalka shaqo waad heliye, anna waan ka diiday oo ku adkaystay safarkeyga, mar dambe ayayse iga aqbashay oo soo ambabixisay, markii aan tagay meeshii aan rabay xiriirkeenu wuxuu ahaa mid joogto ah, ballan adag ayaana wada galnay, laakiin gabadhii wey guursatay igana qarisay, gabar aanu walaalo nahay oo ogeyd xiriirkeena ayaa i soo wacday oo ii sheegtay in gabadhii jacaylka uu inaga dhexeeyay la guursaday, waan qaracmay cir iyo dhul meel aan joogo ayaan garan waayay, maalmo todobaad ka badana sariir kama aanan soo kicin, asxaabteyda oo arrinka maqashayna samirsiin ayay igu waaleen anna waan ka samri waayay, waxayna igu yiraahdeen haddey dhiman lahaydba waad ka samri lahayde, iska ilow Inantaas kaa dal doorsatay.

Gabadhii ayaan telefoon ka wacay oo ku iri maxaad ballantii uga baxday, waxay walaal iska key cafi calaf ayaa ka adeegaye.

Anigu muddo kadib waan iska guursaday oo niyadda ka saaray gabadhii, balse kol dhow ayay ila soo xiriirtay oo ii sheegtay in Ninkii soo furay, iyadoo iga dalbatay cafis, marka Caaqilow sxbow maxaan ka sameeyaa arrinta gabadhaas bal ila tali, ogowna arrinka heystaa waa saddex arrimood oo isa saran, mid waa cafis, midna waa iyadoo igu soo wargelisay in la soo furay oo ay iga rajo qabto sida aan anigu u fahamay, tan saddexaadna anigu xaas iyo carruur ayaan leeyahay, mana rabo in carruurtayada iyo xaaskayga wax dhib ah soo gaaraan ee maxaan sameeyaa Caaqil Dalmar adigaa marka ay taladu isku murugto furdaamin jiraye…?.

Cali Xuseen Muuse

L/H:  Kampala – Uganda

TALADA LA SIIYAY:

Bismillaahi Raxmaani-raxiim

Talo adigaa u baahan mooyaane iyada kuuma baahna, taladuse waa midda Rabi, bal aniga ka Caaqil Dalmar ahaan waxan ku siinayaa talada ay ila tahay, Ilaahay wanaaga iyo kheyrka ha ina waafajiyee.

Caliyow, ugu horreyn waxaad ogaataa in guurku yahay calaf, lamaanayaasha is guursanayana waa kuwo Ilaah calaf isaga dhigay ee ma aha hebel baan rabaa ama heblaayo baan jeclahay.

Intaas kadib sida qoraalkaada ka muuqata gabadha ballan kabaxyo ayay kugu samaysay, haddana nabsi baa asiiboo ninkii ay kaa raacday wuu soo fasaxay, adigayna dib kuugu soo laabatay,  arrintu waa labo, mid waa cafis midna waa   rabitaan iyo soo rogaal celin sida muuqata oo aad adiguba u ishaartay, midda cafiska ah waa muhim inaad cafis u fidiso gabadha, maadaama qalad uu yimid, calafkuna uu sabab u ahaa, midda kale ee ah in dib aad u yagleeshaan jacaylkeenii taas adigu ma aadan soo sheegin in aad raali ku tahay ama aad doonayso, kaliya waxaad tiri rajo ayay iga leedahay, rajadaasina adigu meel ma aadan saarin oo nooma aadan soo sheegin damacaaga iyo ujeedadaada, haddana waxaadba tiri carruur iyo xaas ayaan yeeshay oo ma doonayo in dhib uu xagaas iga soo gaaro, taasna waxay muujinaysaa in aadan xilligan u soo jeedin gabadhaas kaa dal doorsatay ee ballan kabaxa kugu samaysay.

Cali, walaal haddii gabadha aad calaf isku leedihiin sabab kasta iyo cudurdaarasho kasta waad is heleysaan, waxaadna xusuusnaataa in raggu afar Xaas shareecada Islaamka ay u banaysay, haddiiba awoodi ay jirto, haddii aad gabadha danayso, kolay adiga iyo raginamaada waxaa lagaa doonayaa inaad kala dabaraad samayso, haddiise aadan u soo jeedin gabadha runta u sheeg oo ku dheh aniga xaas iyo carruur baan yeeshay mid kalena tabar iyo xal uma hayee walaal meel kale raadso si aysan kugu lug go’in.

hadday taladu kaa ciirsan tahay la soo xiriir caaqildalmar@gmail ama hotmail.com

Leave a Reply