|

Mas’uuliyiin iyo saraakiil sarsare oo siyaabo kala duwan loogu kala dilay magaalooyinka Baydhabo iyo Gaarisa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in xalay magaalada Baydhabo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay, kaas oo ay toogteen kooxo bastoolado ku hubesnaa oo aan haybtooda la garan.

 Sida warku sheegayo sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Liboow Maxamed Aadan, waxaana lagu dhexdilay garoon kubad kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaala gudaha magaalada Baydhabo, xilli uu daawanayey ciyaar kubadda cagta ah oo lagu ciyaarayey mid ka mid ah garoomada Byadhabo halkaasina ay buuxeen dadweyne fara badan oo iyaguna ciyaarta daawanayey.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa sedex ruux oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa sarkaalka dhowr xabad xabadka iyo madaxa kala dhacay, waxaana la sheegay in sarkaalka uu isla goobtii ku naf-baxay, iyadoo kooxihii dilka geystayna ay isla markiiba goobta ka baxsadeen, kuwaas oo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen iyo kooxaha ay ka tirsanyihiin mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi.

Markii uu dilku dhacay ka dib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay gudaha garoonka, waxaana la sheegay in dad badan oo daawanayey ciyaarta kubadda cagta ay qabqabteen, kuwaas oo ay la xiriirinayeen inay wax ka agyihiin dilka loo geystay sarkaalka, inkastoo la sheegay in markii dambe ay iska sii daayeen intoodii badneyd.

Dhinaca kale mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kenya ayaa xalay isna lagu dilay magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya, kaas oo la toogtay isagoo dhexmaraya goob waddo ah, waxaana la sheegay in sarkaalka la dilay uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka magaalada Gaarisa, iyadoo aan la ogeyn cid dishay illaa iyo hadda.

Leave a Reply