|

Hadalo kulul oo ay is-weydaarsadeen C/raxmaan Faroole iyo ganacsatada Puntland ka dib markii…

Ganacsatada deegaanada maamulka Puntland gaar ahaan kuwa gobolka bari ayaa meel cad ka istaagay oo difaac culus ka xitay hadalo eedayn ah oo ka soo yeeray Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud {Faroole}kaas oo ku eedeeyay ganacsatada inay ka gaabiyeen wax ka qabashada arrimaha maamulka Puntland iyo gacansiinta maamulkiisa.

 C/raxmaan Faroole ayaa sidoo kale ganacsatada Puntland ku eedeeyay inay qeyb ka yihiin dhibka iyo dilalka ka socda inta badan deegaanada Puntland, inkastoo kulan ay yeesheen ganacsatada iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wadahadleen arrimahaasi, ganacsataduna ay iska fogeysay eedaymaha uu u soo jeediyay C/raxmaan Faroole.

Mr/ Faroole ayaa sheegay in aysan ganacsatada Gobolka bari iyo guud ahaan ganacsatada reer Puntland wax qabad balaaran ka muujin kaabiyaasha dhaqaalaha iyo dhinaca horumarka intii uu xukunka hayey, wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay ganacsatadu inay indhaha un ka fiirsadaan dhibaatooyinka ka dhacaya Puntland oo aysan wax gacan ah ka geysan, inay dhibka ugu sii daraan mooyaane, inkastoo qaar badan oo u hadashay ganacsatada reer Puntland ay sheegeen inuusan waxba ka jirin warka Faroole.

Ganacsade Maxamuud Faarax Bucul oo ka mid ahaa ganacsatadii ka qeybgashay xaflad uu u qabtay Madaxweynaha Puntland ayaa jawaab culus ka bixiyey hadaladii Faroole, wuxuuna sheegay Mr. Bucul in ganacsatadu ay waxqabad weyn oo aan laga indha saaban karin ka qabateen deegaanada Puntland, isla markaasna aysan mudneyn in maamulku uu eedayn u jeediyo xilligan intii uu amaani lahaa.

“Ganacsatada Puntland qeyb kama ah dhibaatooyinka ka jira Puntland, taas bedelkeedana waxay ku dedaalaan sidii ay Puntland nabad iyo hormar u gaari laheyd, inkastoo aan jeclayn inaan sheegsheegno waxyaabihii aan qabanay haddana waxaa la yiri haddii lagu sheego waala isa sheegaa, haddii lagu sheegase waaleysa sheelaa” ayuu yiri Ganacsade Bucul oo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka ka soo yeeray C/raxmaan Faroole.

Leave a Reply