|

Qarax khasaare geystay oo la eegtay Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ka koobnaa

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goor dhow qarax miino lala eegtay ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali xilli ay marayeen Isgoyska Kalabeyrka ee duleedka magaaladaas.

Qaraxaas oo waxyeelo ay kasoo gaartay ciidamadaas la weeraray ayaa la soo sheegayaa in ay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada Soomaalida iyo kuwa Itoobiyaanka.

 

Al-shabaab ayaa sheegatay in qaraxaasi ay ku dileen askar fara badan oo ka tirsan ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya, uuna ku jiro taliyihii ciidamada Itoobiya ee Isgooska kalabeyrka sida ay sheegteen.

 

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aaddan qaraxaas maanta lala eegtay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Leave a Reply