|

Somaliland oo xabsiga dhigtay mid ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii…

Maamulka la magac baxay Somaliland ayaa gacanta ku dhigay mid ka mid ah Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxna ka ansixiyey dastuurka cusub ee Soomaaliya, kaas oo ka soo jeeda deenaada Somaliland ka dib markii sida la sheegay uu si kedis ah uga degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera isagoo ka tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaliya.

 Laanta socdaalka ee magaalada Berbera maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigay Suldaan Maxamed Biixi Caalin oo ka mid ahaa Odayaashii ka qeybgalay shirkii lagu soo xulayay Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo matalayey gobolka waqooyi galbeed Soomaaliya ee hadda la magac baxay Soomaaliland.

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka ee garoonka Berbera ayaa sheegay in oday dhaqameedka ay qabteen uu ka tirsanyahay sida uu yiri dad fara ku tiris ah oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye, illaa iyo haddana wax war ah kama soo bixin xarigga loo geystay Oday  Biixi oo ka mid ahaa Odayaashii soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana xarigga ninkan loo cuskaday sida uu sarkaalku sheegay go’aankii Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu ka saaray ka qeybgalka shirarka dowladda loogu dhisayo Soomaaliya oo uu maamulkiisu u arko in qofkii shirkaasi ka qeybgalaa uu galay khiyaano qaran.

Xarigga hogaamiye dhaqameedkaasi ayaa ku soo aadaya iyadoo horaantii sanadkan ugu yaraan labo jeer ay kulmeen mas’uuliyiin ka kala socotay dowladdii KMG aheyd ee waqtigu ka dhamaaday iyo xubno ka socday maamulka Somaliland, waxaana kulamadaasi mid ka mid ah ka qeybgalay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud {Siilaanyo}.

Leave a Reply