|

Dowladda Kenya oo sheegtay inay xirtay xadka ay la wdaagto dalka Soomaaliya ka dib hadal xalay ka soo yeeray Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab oo sheegay…

Wararka laga hellayo magaalada Dhoobley ee gobollka Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaa ay dowladda Kenya soo dhoobtey ciidamo faro badan oo sida la sheegay loogu talagalay in ay adkeeyaan nabad-galyada xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

 Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in ciidamadan ay isku fidiyeen dhamaanba xadka la la leeyihiin Soomaaliya, gaar ahaan inta u dhaxeysa Libiyo Kenya iyo Libiyo Soomaliya.

Maalmihii ugu danbeeyay qeybo ka mid ah gobollka W/bari dalka Kenya waxaa ka jira falal amaan darro oo isugu jira dilal iyo qaraxyo ay geysanayeen kooxo aan la garaneynin, waxaana jira tuhun dowladad Kenya ay ka qabto in kooxahaas ay ka soo talaabaan dhinaca Soomaaliya.

Leave a Reply