|

Amiirka guud ee Xarakada Al-shabaab oo fariin maqal ah oo uu soo diray uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin…

Fariin maqal ah oo uu soo duubay Amiirka Al-shabaab Sheekh Mukhtaar C/raxman Abuu Zubeyr ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ka mid ah dalka Kenya iyo Ethiopia iyo Soomaaliya, wuxuuna fariintaasi ugu horeyn uga hadlay qidada dagaalka ee ay kula jiraan ciidamada Kenya.

 Abuu Subeyr wuxuu sheegay in ciidamada Al-shabaab ay ku guuleesteen inay fuliyaan qaraxyo gudaha dalka Kenya iyadoo ciidamada Dowladda Kenya ay arkayaan qaraxyadaasi ayna iska difaaci waayeen, wuxuuna sidoo kale Amiirka Al-shabaab uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay inay iska difaacaan cadowga sida uu sheegay ku soo duulay dalka Soomaaliya iyo diintooda.

Amiirku wuxuu sheegay in haddii aysan iska difaacin shacabka Soomaaliyeed ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka Soomaaliya ay noqon doonaan kuwa marwaliba gacanta ugu jira cadowga oo sida ay doonaan ka yeelaan dalkooda iyo dadkooda, wuxuuna intaasi ku daray in looga baahanyahay shacabka Soomaaliyeed inay meel kasta kula diriraan ciidamada shisheeye sidii ay ula dagaalameen hadda ka hor ciidamadii Itoobiya ee sida xoogga ah ku soo galay gudaha dalka Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale uu fariinta maqalka ah ee uu soo duubay amiirka guud ee Xarakada Al-shabab uu ku sheegay in shacabka ku nool dalalka Kenya iyo Ethiopia ay ku hoos nool yihiin diin aan aheyn diinta Islaamka, isaga oo la dardaarmaya shacabka ku nool dalka Ethiopia gaar ahaan kuwa ku nool Kilinka shanaad ayaa wuxuu sheegay inay mar un ka bixi doonaan dhibaatada adag ee ay ku jiraan geerida Melez Zenawi ka dib baal cusub ay u furmi doonaan.

Leave a Reply