|

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay soo dhaweynayso qorshaha ay IGAD maamul ugu sameynayso gobolada Soomaaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso qorshaha ay dowladaha IGAD ay ku doonyaan inay maamul ugu sameynayaan gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

 War uu shalay ka soo saaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa waxa uu kus heegay in Qaramada Midoobay ay soo dhaweynayso doorka ay dalalka IGAD ka qaadanayaan maamul u sameynta goboladii lagala wareegay Xarakada Al-shabaab, gaar ahaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo iyo qorshaha siyaasadda ee Midowga Afrika uu ku lugyeelanayo marka ay timaado maamul u sameynta gobolada.

Hadalka Mahiga ayaa yimid iyadoo urur goboleedka IGAD oo dhowr maalmood shir uga socday magaalada Addis Ababa uu soo saaray doraad qodobo ku saasan maamul u sameynta gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya iyo qorshaha xasilinta ee gobolada Soomaaliya gaar ahaan kuwa koonfureed, waxayna sheegeen xubnihii shirka yeeshay in maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo lagu soo daray dowladda Soomaaliya, halkii ay horay u aheyd Itoobiya iyo Kenya oo qur ah.

Shirkaas ayaa la sheegay inay ka qeybgaleen 4-xubnood oo mataleysay dowladda Soomaaliya kuwaas oo la sheegay inay ka soo jeedaan gobolada Jubboyinka iyo Gedo, waxaana la sheegay in lagu heshiyey in la sameeyo Guddiga wada-jirka ah ee maamul u sameynta Jubboyinka iyo Gedo oo horay uga koobnaa Kenya iyo Itobiya in hadda lagu soo daro Soomaaliya sidaasina ay ku noqdaan 3-dal.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin warkan ka soo yeeray urur goboleedka IGAD iyo in xubnaha la sheegay inay iyada ka socdeen ay iyadu dirtay, iyadoo ay xusid mudantahay in qorshaha xasilinta iyo maamul u sameynta gobolada dalka ay isku koobeen oo keliya dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyadoo aan la ogeyn sababta looga reebay dalalka kale ee IGAD ku jira, inkastoo hadda lagu daray dowladda Soomaaliya oo iyadu goboladeeda lagu gorgortamayo sidii maamul aysan ogeyn iyada loogu sameyn lahaa.

Leave a Reply