|

Wafdi Wasiiro ah, kana socda dowladda Soomaaliya oo saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo si ay…

DSC04880Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in magaaladaasi ay saacadaha soo socda tagi doonaan wafdi heer wasiir ah oo uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/kaxiin Xaaji Maxamuud Fiqi si ay kormeer ugu sameeyaan uguna kuur galaan xaaladda ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi iyo deegaanada kale ee gobolka.

Sida warku sheegayo wafdiga lagu wado inuu maanta booqdo magaalada Baydhabo ayaa waxay kulamo kala duwan halkaasi kula qaadan doonaan maamulka gobolka Bay, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa Itoobiya oo magaaladaasi ku sugan, waxayna kulamada ka dib wasiirka iyo wafdigiisa ay booqan doonaan furumaha hore ee dagaalka ee gobolkaasi.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa wafdiga uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ee ku wajahan magaalada Baydhabo ayaa waxay mushaar qeybin ka bilaabi-doonaan gobolka Bay, waxayna madaxda ciidada maamulka gobolka Bay ay sidoo kale kala hadli-doonaan sidii gacanta dowladda loo soo wadagelin lahaa degmooyinka gobolka ee ay weli ku suganyihiin Xarakada Al-shabaab, isla markaasna loogu qaadi lahaa dagaal saf balaaran ah oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee gobolkaasi ku wada sugan.

Wixii warar ah ee ku soo kordha safarka uu wasiirka gaashaandhigga ku tagi-doono magaalada Baydhabo dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa haddii uu Alle idmo.

Leave a Reply