|

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqandalka Sudan, casho sharafna ka qeyb galay

madaxww2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Suudaan uga qeyb galay 57 guuradii ka soo wareegtay markii uu dalkaasi xornimada qaatay ayaa habeenkii xalay  ahaa magaaladda Khartum ee dalkaas kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas.

Madaxweynaha waxa uu uga horeyn u mahad celiyay dowladda Suudaan oo uu ku ammaanay fursadaha waxbarasho ee ay siisay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ku sugan xilligii uu burburka ka jiray dalka Soomaaliya, sidoo kalena kaalmo u fidisay ayuu yiri shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyanaha ayaa wuxuu jaaliyadda Soomaaliyeed  uga warbixiyay xaaladda iyo isbeddelka ka jira dalka, wuxuuna sheegay in laga soo gudbay xilligii ku meel gaarnimada isagoo faahfaahin ka bixiyay doorashooyinkii ka dhacay dalka iyo horumarka ay dowladdu ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay jirtay.

 

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaas ku daray inay dowladdiisu siineyso ahmiyadda ugu horreysa amniga, wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalka iyo dadka, isla markaana ay ka digtoonaadaan inay naftoodasku biimeeyaan tahriib

Dhanka kaleMadaxweynaha Jamhuurriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu xalay casho sharaf la qaatay dhigiisa dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxayna kawada hadleen xoojinta xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeya, wuxuuna madaxweynaha Suudaan uu balanqaaday inuu sii wadi doono taageerada uu siinayo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale shalay soo kormeeray warshadda lagu farsameeyo lacag ay dowladddi KMG ahayd ee Soomaaliya horay uga dalbatay inay u daabacdo dowladda Suudaan taasoo lagu heshiiyay inay Suudaan sii heyso tan iyo inta laga tayaynayo laamaha maaliyadeed  ee  dowladdda Soomaaliya.

Leave a Reply