|

Dowladda Itoobiya oo maxkamad soo taagtay dad Soomaali ah oo ay ku eedaysay inay xiriir la leeyihiin…

maxbuusMaxkamad ku taala dalka Itoobiya ayaa la horgeeyay 10-qof oo loo heysto falal waxa loogu yeero argagaxisonimo iyo inay xiriir dhowr la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay muddo dheer ku xirnaayeen xabsiyo ku yaala gudaha dalka Itoobiya.

Garsooraha maxkamadda la horgeeyay dadka Soomaalida ah oo lagu magacaabo Bahiru Darecha ayaa sheegay in raggan loo heysto inay sugayeen lacago si gudaha Itoobiya uga fuliyaan weeraro argagaxiso oo ka dhan ah danaha dhaqaale iyo midda siyaadadeed ee dalka Itoobiya, wuxuuna intaasi ku daray in cid kasta oo ku lug yeelata falalka argagixisinimada uu ciqaab adag la kulmi-doono sida uu yiri.

“Ragga lagu helay dembiga oo ah 10 qof waxaa qaarkood ay qirteen dembiyada loo heysto oo ah inay xiriira la leeyihiin Al-shabaab” ayuu yiri garsoore Darecha oo sheegay in xukunka raggan lagu dhawaaqi doono bartamaha bishan Jannaayo, wuxuuna intaasi ku daray inta aan dembi lagu helinna la fasixi doono, isla markaasna xorriyadooda dib loo siin-doono.

Lix qof oo ka mid ah raggan ayaa ka maqan maxkamadda, iyadoo garsooruhu uu sheegay in la xukumi doono iyagoo maqan, wuxuuna intaas ku daray garsooruhu in eedeysayaasha dembiga lagu helay uu ku jiro nin u dhashay dalka Kenya oo la hayo caddeymihiisa la xiriira inuu ka tirsanyahay Xarakada Al-shabaab, ruuxa Kenyaanka ah oo lagu magacaabo Xasan Jarso ayaa la sheegay inuu dhowr jeer uu taleefoon kula xiriiray shaqsiyaad ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya ka dagaalanta.

Sida uu garsooruhu sheegay Xasan Jarso ayaa qirtay dembiga lagu soo oogay bishii bishii May ee sanadkii hore, balse wuxuu diiday inuu ka mid yahay hogaamiyeyaasha Al-shabaab, isagoo intaas ku daray inuusan qeyb ka aheyn qorshe la doonayey in xeryo tababar ay Al-shabaab ka furato gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.

Sdioo kale seddex ka mid ah eedaysanayaasha ayaa diiday dembiyadii lagu soo oogay iyagoo sheegay inay yihiin macalimiin wax ka dhiga dugsiyo lagu barto diinta Islaamka, wax lug ahna aysan ku laheyn eedaynaha loo heysto, loona heysto oo keliya inay yihiin macalimiin dadka bara cilmiga diinta Islaamka.

Si kasta oo ay ahaataba dowladda Itoobiya ayaa waxaa dalka Soomaaliya ka jooga ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab, iyadoo dhowr jeer ay Al-shabaab sheetay inay weeraro la beegsan doonto danaha dowladda Itoobiya, isla markaasna ugu baaqday inay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Soomaaliya haddii kale ay la kulmi-doonaan dhibaatooyin kala duwan.

Leave a Reply