|

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland oo sharci darro ku tilmaamay mudado korarsiga uu sameystay maamulka Faroole

AMadaxweynahii hore ee maamul goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi oo shalay safar ku tagay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan maamulka Puntland iyo siyaasiyiinta doonaya inay xilka maamulkaasi qabtaan, wuxuuna eedayn u jeediyay Caddi Muuse maamulka talada Puntland hadda haya.

Gen. Cade Muuse Xirsi ayaa waxa uu sheegaya inay tahay sharci daro muddada uu ku darsaday maamulka C/raxmaan Faroole, wuxuuna intaasi ku daray in halsano ee uu ku korarsaday uusan sharciga dhigeynin, isagoo sheegay in waqtigii la doortay Faroole ay dhamaatay, loona baahanyahay inuu ogolaado in doorasho ay ka dhacdo maamulka Puntlandi si buu yiri aysan halkaasi dhib uga dhicin.

“Kulamo kala duwan ayaan la soo qaatay salaadiinta reer Puntland, gaar ahaan goboladii aan booqashada ku tagay sida Qardo, Boosaaso, Garoowe iyo meelo kale, waxaan isla gorfeynay xaaladda cakiran ee ay Puntland ku sugantahay,  maanta waxaan qirayaa in waqtiga halka sano ah ee uu maamulka Faroole ku darsaday inay tahay sharci-darro, aniga Puntland waxaan u imid sidii aan u xallin lahaa khilaafka ka dhextaagan si loo badbaadiyo Puntland oo uusan dhiig dambe uga dhex-daadan” ayuu yiri Cadde Muuse.

Sidoo kale Cadde Muuse ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta la shaqeeya maamulka Puntland inay isaga tagaan goobaha maamulka uu ka howlgalo, wuxuuna xusay inay tahay mid laga wanaagsanyahay inuu sii wato xilka madaxweyne Faroole xilli uu dhamaaday waqtigiisa, dalka waa inay doorasho ka dhacdaa si loo kala badbaado, hadalka aan leeyahay micnihuusu ma aha inaan ka soo horjeedo maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ee waa iga waano iyo wax toosiun ayuu yiri Cadde.

Hadalka soo yeeray Cadde Muuse ayaa waxa uu ku soo aadayaa iyadoo Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo ka hadlay waqti korarsiga la sheegay inuu maamulkiisa sameysay ayaa iska diiday hadalkaasi, wuxuuna sheegay inuusan jirin wax muddo korarsi ah oo uu sameystay maamulkiisa, isagoo sheegay in waqtigii la doortay ay aheyd muddo shan sano ah, waqtiga ay xilka sii heynayaanna ay uga dhimantahay hal sano.

Leave a Reply