|

Xaflad aroos oo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhalatay kadib markii….

isbitaalXaflad toddobo-bax aroos oo ka socotay tuulo lagu magacaabo Booco oo khiyaastii 65 km u jirta magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo haweeney ah, saddex haween kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii maleeshiyo la sheegay in ay ka tirsanaayeen xoogaga Al-Shabaab ay rasaas ku fureen.

Wararku waxa ay sheegayaan in xoogaga Al-Shabaab ee ku sugan Booco ay u cuntami weysay qaabka ay u dhacaysay xafladda,sidaasina ay ku rasaaseeyeen.

Dad ka qeyb galay xafladdaas aroos ayaa sheegay inay ka war heleen rasaas dhacaysa iyo dad kala cararaya, mana naqaano ayay yiraahdeen sababta.

Warar qaar ayaa sheegaya in Afar haween ah ay ku dhaawacmeen rasaasta, kuwaas oo labo ka tirsan ay xaaladdoodu liidato, waxaa dhammaantood loo qaaday isbitaalka magaalada B/weyne oo lagu dabiibayo.

Leave a Reply